Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Qodobo Muhiim Ah Oo Lagu Xalin karo khilaafka Cusub Ee Doorashooyinka.
January 24, 2024 - Written by admin
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in la dejiyo xaaladda khilaafka cusub ee Doorashooyinka Somaliland.
Guddoomiye faysal, ayaa ku taliyay in shirguddoonka Wakiillada iyo Guurtida Somaliland arrintan heshiis ka gaadhaan.
Akhri qoraalka guddoomiyaha.
Xalka maanta laga ga baxaayo khilaafka cusub . Dalkona Ku badbaadiyo
1- Ha la joojiyo hadalada xanafta leh Ee miidiya la isku marinayo
- Labada shirgudoon Ee labada aqal ha wadda fadhiistaan
- Labadi xeer qabyo ha la isla eego. Nuqul la isla ogalyahay ha laga soo saaro.
