berberatoday.com
Anwar Cabdiraxmaan Warsame Gudoomiyaha Dalada Guud ee Ururada Aan Dawliga Ahayn ee SONSAF oo Talooyin Lexejeclo kasoo Jeediyay Xaalada Dalka.
January 25, 2024 - Written by admin
Anwar Cabdiraxmaan Warsame Gudoomiyaha Dalada Guud ee Ururada Aan Dawliga Ahayn ee SONSAF oo Talooyin Lexejeclo kasoo Jeediyay Xaalada Dalka.
“Wakhtigan uu dalku marayo marxaladdan xasaasiga ah, waxa waajib ah in aan dalka dib loogu celin muran siyaasadeed oo horleh. Maanta dadka reer Somaliland waxa ay u baahanyihiin in ay gacmaha is wada-qabsadaan si looga gudbo culaysyada siyaasadeed ee ka imanaya kuwa raba in ay mijo-xaabiyaan jiritaanka Somaliland.
Maanta waxa waajib ah in dadka lagu hogaamiyo midnimo iyo wadajir, si taas loo helo, waxa lama-huraan ah in la dhamaystiro geediga sharci ee wax-kabeddelka iyo kaabista xeerarka doorashooyinka ee ka soo unkumay heshiiskii siyaasadeed ee ay bud-dhigga u ahaayeen madaxdhaqameedka Habarjeclo.
Waxa aan hoosta ka xariiqayaa in ay muhiim tahay in wax-kabeddelka iyo kaabista xeerarka doorashooyinku maraan dhabbada sharci ee ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, horena curfiga u ahayd marka marxalad sidan oo kale ahi timaaddo.
Waxa aan ugu baaqayaa shir-guddoonka gole-yaasha sharci-dejinta oo ay hogaaminayaan labada oday oo saaxiibbo siyaasadeed ahi in ay si degan uga wada-hadlaan arrintan, islamarkaana dalku hore uga socdo murankan muddada dheer soo noq-noqday.
Waxa aan sidoo kale ugu baaqayaa madax-dhaqameedka reer Somaliland in ay ka fogaadaan hadalada kicinta iyo cunfiga ah ee khatarta ku ah nabadgalyada iyo wadajirka dadka reer Somaliland.
Doorashooyinku in ay qabsoomaan sannadkan 2024 waa arrin waajib ah oo ay ku jirto maslaxadda dalka iyo wadajirka dadka reer Somaliland.
“Allow Sida Toosan Na Waafaji. Aamiin”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews