berberatoday.com
Safiirka Itoobiya Ufadhiya Qarammada Midoobay Oo Madal Caalamiya Ka Difaacay Heshiiska Ay La Galeen Somaliland!
January 25, 2024 - Written by admin

Kuxigeenka Safiirka Itoobiya u qaabilsan Qarammada midoobay, Samuel Isa, oo ka qaybgalay shir ay Magaalada Kampala ku yeesheen dalalka G77 iyo Shiinaha, ayaa ka hadlay ahmiyadda iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ay dhawaan is-fahamka ka gaadheen.

 

Danjire Samuel Isa wuxuu sheegay in heshiiska is faham ee Somaliland iyo Itoobiya uu waafaqsan yahay xeerarka caaalamiga ah ee kastamada iyo shuruucda badda.

“Heshiiskani wuxuu si cad u jidaynayaa oo loogu talo galay inuu wax ka taro arrimaha ganacsiga si ay uga faa’iidaystaan muwaadiniinta Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yidhi diblomaasigaasi.

Samuel Isa waxa kaloo uu intaas ku daray “Waxa isfahamkan loo maray qaab nabadgelyo ah oo ku sallaysan wadahadal iyo iskaashi wadajir ah oo dhinac waliba guulaystay, kaasi oo kor loogu qaadayo nabada iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika.”

Heshiiska is faham ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhigaya in Jamhuuruyadda Somaliland Itoobiya ka kirayso 20km oo ay ka dhigtaan saldhig millatari oo badda ah, iyadoo Itoobiyana ay noqon doonta dalka u horreeya ee aqoonsada Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 33ka sannadood u halgamaysay inay caalamka ka hesho ictiraaf caalamiya.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews