Xamaaliinta Dekeda Berbera oo Khaati Ka Taagan Xubno Kamida Xildhibaanadii Baarlamaanka ee Gobolka Saaxil Laga Doortay oo Fara Galin Ku Haya Shaqadoodii Qeylo Dhaan Culusna Kasoo Saaray
January 30, 2024 - Written by admin
Ururada Geelayasha Xamaaliinta Dekeda Berbera Ka Xoogsada oo Qeylo Dhaan Culus Kasoo Saaray 3 Kamida Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Doonaya Inay Mashruuc Lacageed Ka Dhex Sameystaan Xamaaliinta Iyo Shirkada Dp World ee Dekeda Berbera Maamusha.
Muruqmaalka dekada Berbra ee loo yaqaan Geelayaasha ayaa wali ka dhursugaya Qoraalo ay u geeyeen mamulka gobolka saaxil siddi ay ugu wareegi lahayeen shirkad Dpworld dukmatiyadasi oo ay sheegeen in ay ku cadeeyeen waxay iyagu doonayan in lagula wareego muruqmaalka dekada Berbera, sidii uga mid noqon lahaayeen shaqaalaha Dp world,
Waxana Xubin sare oo ka tirsan muruqmaalka Geelayaashu u sheegay warbaahinta qaarkood in ay wel wel ka qaban sadex xildhibaan oo iyagu sheegay waa sida uu hadalka udhigaye in ay isku xilqaamen hawshan la wareegida shirkada Dp world ee ururada geelayssha ee ka xamaasha Dekada Berbera, waxaanu ku Eedeyay in ay kala qaybin iyo jujuub kudoonayan in ay heshiis ay gacantooda ku sameeyeen ay ku wareejiyaan Geelayssha Berbera heshiiskaasi oo uu sheegay in anay waxba kala socon qaybna ka ahayn,masuulkan ayaan codsaday in aan magaciisa la qorin sababo uu sheegtay.
dhawaan mar ay warbahinta la hadlen masuuliyiinta labada urur ee Geele xamaalka Dekeda Berbera ee A iyo B waxay si cad u sheegeen in ay doonayaan ama ay danaynayaan inay ka mid Noqdaan shaqalaha rasmiga ah ee Shirkada Dp World oo iyagu si toos ah Heshiiska ula galaan shirkada Caalmaiga ah ee Dp world Sidii ay heshiiska ula gashay hay,adii Stivadoranka oo hada ku najaxday heshiiskaa ayay yidhaahdeen ku biiritaankii shaqaalaha Dp world ee ay ka midka noqdeen,
qaar kamida madaxda muruqmaalka ayaana ka digay sida ay warbaahinta qaarkood usheegeen in Xildhibaanada hawshan ka shaqaynaya ay wadan damacyo kale oo iyaga u shaqsi ah taasina ay carqalad ka abuuri doonto isfahamka wanagsan ee geelayaashu ku dalbanayan inay ku biiraan shirkada dp world shaqlaheeda,
Mid kamida muruqmaalka ayaana yidhi waxaanu baaq udiraynaa badhsaabka Gobolka, Mayarka iyo Mareyaha Dekada Berbera waxana ka codsanayna ayuu yidhi in heshiiska aanu la galayno Dp Waorld ay taladiisa qayb wayn ku yeeshaan,
dabcana wuxuu intaasi ku darey in aanay raali ka ahayn arinka ay wataan sadexda Xildhibaan , masuulkan oo codsaday in aan magaciisa la qorin ayaa ugu danbayn sheegay in maalmaha soo socda ay sadexdaa xildhibaan imanayaan Berbera doonayana inay hotel xaflada ku qabtaan taas oo aanan kuwada socon ayuu yidhi xildhibanada raalina kama nihin ayuu yidhi waxa ay wataan ee kala qaybinta muruqmaalka dekada Berbera iyo iska horkeenka ay isku garacayaan shirkad calamiga ah ee dp world iyo geelayasha,