Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo 3 Sano Kadib Maanta Kulan Madaxtooyada Kula Qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Waxyaabaha Ay Kawada Hadleen”Daawo Muuqaal
February 13, 2024 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Mudane Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo hogaanka sare ee Xisbigaas kuwaas uu kamid yahay Gudoomiye kuxigeenka koowaad Axmed Xaaji Cali Caynabo iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Ucid Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax.
Geesta kale waxa iyaguna goob joog kaa kulankani Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Kuxigeenkiiisa Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Madaxweyne Muuse Biixi iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa kawada hadlay danaha qaranka ay ugu horeyso doorashada oo 2024 qabsoonta iyo xaaladii ka tagnayd hawada Somaliland oo Xukumadu sheegtay inay xalkeedii heshay Dawlada Xamarna farta dhexda ka qaniintay.