Gudoomiyaha Gudida Diwaangalinta Ururada Iyo Asxaabta Qaranka Oo Go,aano Uu Soo Saaray, Isla Isagii Ka Racfaan Qaatay Iyo Fashilka Maamul Ee Dulhoganaya!
February 16, 2024 - Written by admin
Gudomiyaha Guddida Diwaan Galinta Ururada iyo Asxaabta Qaranka Jsl Siciid Siraadle ayaa Go’aan Uu Dhawaan Isagu Soo Saaray, ka Rafcaan qaatay isla Isagii Go,aanka soo saarayna uu go’aankiisii rafcaanle ka noqday. Kaasi oo uu Amar ku farayay in hogaanka ururka Shacabka Ee SPP Uu qabsado shirkii golaha dhexe si ay udoortaan gudoomiyaha Ururka oo uu hore ubaneeyay Xaglatoosiye oo ku biiray huwanta Somaliland kazoo horjeeda ee ka dagaalamaysay gobolka sool.
Sidoo kale Gudoomiyaha Gudida Diwaangalinta Ururada Iyo Asxaabta qaranka Mr Siraadle ayaa maxkamada uga racfaan qaatay Go,aankii uu isagu soo saaray taasi oo fajiciso iyo Amakaag ku noqotay Bulshada Somaliland,