Sarkaal Katirsan Haayada Duulimaayada Somaliya Kana Soo Jeeday Somaliland oo Muqdisho Si Fool Xun Loogu Dilay
February 19, 2024 - Written by admin
Innaallilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Waxaa Magaaladda Muqdisho Lagu Dilay Cabdinaaair Muuse Dahable oo Ka Tirsanaa Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta ICAO Ee Muqdisho ka Shaqeeya.
Marxuunka oo U Dhashay Reer Somaliland Ayaa Meydkiisa Laga Helay Gurigii Uu Deganaa Oo Ku Dhex Yaala Garoonka Aadan Cadde Ee Magaaladda Muqdisho, Goobta Lagu Dilay ayaa Lagu Tilmaamaa Inay Ka Mid Tahay Goobaha Ugu Ammaansan.
Marxuunka ayaa la Sheegayaa In Meydkiisa Lagu Arkay Calaamadaha in La Dabay ama La Ciijiyey oo Xadhig Qoorta Lagaga Xidhay.
Marxuunka Ayaa Aqoonsare u Lahaa Cilmiga Hawada iyo Maamulka Wuxuuna Wax ku Soo Bartay Dalka Ingiriiska.