berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Saaka Saxeexay Dhaqan Galka Xeerka Doorashooyinka Isasaaran.
March 9, 2024 - Written by admin
Wareegtooyin Madaxweyne.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 09/03/2024 uu soo saaray wareegtooyin Madaxweyne oo uu ku dhaqan-gelinaayo laba xeer oo kala ah:- Dhaqan-gelka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023. Iyo Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023.
Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaa Madaxweynuhu Sidan:-
1. Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023.
Markaan Arkay: Qodobbada 75aad, 77aad iyo 78aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qoraalka Golaha Wakiillada ee summaddiisu tahay GW/JSL/10/68/2024, kuna taariikhaysan 19/02/2024, Ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbinta Go’aanka Ansixinta Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr: 91/2023; (Go’aan Lr. GW/KF- 7/01/2024);
Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024 ee ay Maxkamaddu ku laashay Faqradaha 5aad iyo 6aad ee Qodobka 93aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr: 91/2023;
Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024 ee ay Maxkamaddu ku laashay ereyga “Boqollay” ee ku jira Faqradaha 2aad, 3aad iyo 4aad ee Qodobka 93aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr: 91/2023;
Waxaan soo-saaray;
Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-Bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ee Xeer Lr. 91/2023 iyo lifaaqyada kala ah:
– Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024, iyo
– Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024.
2. Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobbada 75aad, 77aad iyo 78aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qoraalka Golaha Wakiillada ee summaddiisu tahay GW/JSL/10/68/2024, kuna taariikhaysan 19/02/2024, Ujeeddadiisuna tahay Soo Gudbinta Go’aanka Ansixinta Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Xeer Lr: 14/2023, (Go’aan Lr. GW/KF- 7/02/2024);
Waxaan soo-saaray;
Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Xeer Lr: 14/2023.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
May be an image of 7 people, dais and text

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews