berberatoday.com
Baddeena Xabashidu maxay ugu Hammuum-qabtaa?. Khadar Hooyoley Fartaag 
March 19, 2024 - Written by admin

Baddeena Xabashidu maxay ugu Hammuum-qabtaa?. 

 

Ramadaan wacan, Ramadaanta  Alle haynooga yeelo mid danbi Dhaaf, Barako iyo khayr badan aynu  Alle agtiisa ka kasbano, sidookale Alle haynaga yeelo kuwuu Gafka laga dhaqo oo Dhiilka wanaagana loo Dhaamiyo oo wacnaan, ajar iyo khayr looga buuxiyo Aamiin. 

Tuukmada Alle ka Dib, Mudooyinkii ugu danbeeyey waxa isasoo taraaya weerarada loogaysanaayo Maraakiibta ku gooshta marin biyoodka bada cas, gaar ahaan kuwa ay yuhuudu leedahay ama lala xidhiidhiyo, iyada oo badhtilmaamaysiga la bartilmaansanaayo loogu aanaynaayo waxa ka socda bariga dhexe gaar ahaan xasuuqa la xasuuqaayo shacabka Reer falaastiin iyaga oo Rag, Dumar, Caruur iyo Waayeel loo kala Aabo yeelahayn oo Hantidoodii Mood iyo noolna Dhulka lagu simay oo magaalooyinka Marinka qaasa laga yeeley Kuwo dumay oo dadkii iyaga oo ku hoos jira lagu dul dumiyey, oo intii soo hadhayna wax meel ay ku qaxaan waayey ay yihiin oo sidii Xoolo ladidinaayo oo Shuguxshugux lagu tuuraayo Duqayn joogto ah lagu hayo  goor iyo ayaan, oo badhna wax maxaabiisa laga dhigay yihiin oo loola dhaqmaayo si Dadnimada ka baxsan waayo? Waxa aad arkaysaa wiil iyo Aabihii iyo sodogii iyo seedigii iyo abtigii iyo adeerkii intoodaba inta maryaha laga bixiyey lays wada ag Fadhiisinaayo, ma jirto bahdilaad ka xun waxa reer falastiin loogaysanaayo. 

Hadaba Dulmigaa, Bahdilka iyo xasuuqa Isir beegsiga ah, Waxa jira wadamo faro ku tiria ah oo ku raacsan ama gacan kusiiya yuhuudda isir nacaybka iyo xasuuqa ay ku hayso shacabka Reer falaastiin, hadaba wadamadaa waxa ka mid ah wadanka Itoobiya oo ay yuhuuda ka dhaxayso xidhiidh qoto dheer oo leh taageero is-difaac naf isku hurid leh, waayo? Ciidamada cagta ee yuhuuda 30% in kor u dhaafaysaa waa Itoobiyaan ha ahaadaan falaasho ama Xabashi.

Dadka ka baxsan jinsiyada yuhuuda ah ee la qoro ciidamada yuhuuda waa Xabashida, kasoo jeeda itoobiya oo kaliya, kuwaas oo gacan laxaad leh ka qaata xasuuqa ka socda Dhulka reer falaastiin. 

Waxa se maanta wax laga uur xumaado oo laga murugoodo ah in Xukuumadii Jamhuuriyada barakaysani iyana garab siiyaan ama ay la saftaan itoobiya iyo yuhuudii inaka oo weligeemba hormood u ahaan jirnay Dulmi diidka waayo? Dulmiga lagu hayo falastiiniinta owgeed baasaboorkeena wuu ka caaganaa in lagu galo ama lagu aado Dalkaas iyo Dalka koonfur Afrika markii Xukuumadii midab kala sooca wax ku maamul jirtay ay jirtay, inkastoy reer koonfur Afrika maanta ay yaqiinsan yihiin waxa lagu hayo reer falaastiin Maxaa yeelay, kaa falaastiin haysta maanta ayaa soo maray waana ta iyaga oo reer falaastiin aanay isku Diin, Af, Dhaqan iyo isku diir midab eekayn hadana si qayaxan uga dhiidhiyey Dulmiga lagu hayo iyaga oo mayada qayaxan ku dhawaaqay dacwadna kaga oogay Maxkamadaha Caalamiga ah yuhuuda. 

Hadaba waxa amakaag iyo fajiciso aduunka iyo dalalka Muslinka ah ku noqotay aduunka oo ka dhiidhiyaaya waxa loo gaysanaayo reer Falaastiin oo Iskusoo bax aan weligeed landhan lagu arag soo bandhigay si ay u muujiyaan inay ka xun yihiin xasuuqa reer falaastiin lagu hayo, ayey Dhanka kale iyana si gaar ah ay shacabka kasoo jeeda Jamhuuriyada barakaysan ay isku soo bax ay ku muujinayeen in ay taageersan yihiin sida loo gallaayo reer Falaastiin!, waayo? Iyaga oo lulaaya calankii wacnaa ee Towxiidka lahaa ayey shucuurtooda ku muujinayeen in ay raacsan yihiin ama ay taageersan yihiin in Itoobiya qoorigooda lasiiyo si ay reer Israa’iil gaadiidkooga bada ee la bartilmaansanaayo garab ugu noqdaan oo ay difaac uga noqdaan marin biyoodkan bada cas ee labada qaw kasoo kulaalayaan dalalka Muslinka ahi!. 

Hadal iyo dhamaan Dadnimadii, Diintii, Damiirka Aadame ee Dubaaxa Dareenka naxa leh waxa moodaa inaynu Qalbiyada  ka lingaxanay oo inaka oo xasuuq iyo Dulmi soo aragnay ayeynu Xabashi iyo yuhuuda Dulmiga isku garabsanaaya inakuna udibad baxno ama u mudoharaadno in Damaca yuhuuda ee Dhulka falastiin inay hanato iyo Damaca Xabashiga u Hammuum-qabo ee ah Dhulkii Hooyo ee qayb ka mid ah gumaystuhu siiyey welina Dulmiga iyo isticmaarsigii ku haysta, in Qooriga Hooyoleydana qayb kamid ahna loogu daro si uu u difaaco oo uu u hirgeliyo Damaca yuhuuda, ee Fadlan raga qooriga gaafa wareegaaya ee sahanka Xabashiga iyo yuhuuda ah, Ummad yahay ka Dhiidhiya oo Dhagarta uu maleegaayo Xabashigan  Gumaysiga ah ee Dhulka, Dadka iyo duunyadu inagaga maqantahay, oo ogaada waa Dayuusnimo hadii Badna loogu daro Xabashigii Guranaaye!. 

Dadyow Dulmi Gargaar

Cadaab ayaa lagu Galaa. 

Khadar Hooyoley Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews