berberatoday.com
Jameecada Tabliqiyiinta Iyo 20 Sifo Ay La Gaar Yihiin oo Ay Dadaal Badan Ku Bixiyaan Hagaajinta Hufida Qalbiyada Iyo Ushaqaynta Diinta Islaamka
March 21, 2024 - Written by admin
CULIMADA TABLIIQA
Waxaan filayaa in uu ku rumoobayo jameecada Tabliiqa hadalkii Saciid binu Musayab: “ma jiro caalim, shariif iyo mid wanaag leh oo aan iin lahayn. Ha ahaatee, waxa jira birimagaydo aan la xusin xumaantooda, qofka uu wanaaggiisu ka bato xumaantiisana, iintiisa iyo ceebtiisa ayaa shiiqa”
Haddaba, aniga oo aan caddaaladda ka tegayn, isla markaana dhiirrigelinaya in laga qaato wixii wanaag ah, qoraalkan waxaan ku soo koobayaa labaatan sifo oo ay la gaar yihiin jamaacada Tabliiqa oo dedaal badan ku bixiya hagaajinta iyo hufidda qalbiyada, iyo u shaqaynta Islaamka.
1- Isku tashi iyo iskaa wax u qabso: jamaacada Tabliiqu astaamaha ay filkeed ku dhaaftay waxa ka mid ah ka maaranka wax-wayddiisiga madaxda, ganacsatada, samafalayaasha iyo dawladaha. Qodobkani waa midka keenay xorriyadda iyo sharafta ay ku naaloonayaan iyo in aanay isku qabsan hantida.
2- Nafhur: jamaacada Tabliiqu waxay ku dhiirratay in ay buuqato xarumaha xumaanta, dabadeeto waxa ay soo saartay dad badan oo iskugu jira ducaad iyo culimo caan ah. Badanaa xumaanfale, khamriile, taariku-salaad iyo waalid-caaq uu Alle sabab uga dhigay oo isku beddelay insaan sharfan oo dadka ugu baaqa wanaagga.
3- Tabliiqu waxa ay sabab u noqdeen in uu Islaamku ku faafo waddammo badan oo ay ka mid yihiin: Jarmal, Faransiis, Biljam, Maraykan, Kanada, Koonfur Afrika, kaymaha Afrika, Hindiya, Nebal, Jabbaan, Kuriya iqb.
4- Waxa ay leeyihiin manhaj cilmiya oo ay gundhig u yihiin Qur’aanka kariimka ah iyo Riyaadu-Saalixiin. Sidoo kale, waxay aad u akhristaan kitaabka Xayaatu saxaaba oo aad iyo aad u sameeyay noloshooda!
5- Kumanaan jamaaco oo kala af iyo dhaqan ah, isla jeerkaasna iskugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimo iyo caammo, sabool iyo hodan iyo carruur iyo cirroole, ayaa ay u kala diraan caalamka. Waxa aan u malaynayaa in aanay jirin ururro ama dawlado qaban kara shaqadan iyaga oo aan ku bixin malaayiin dollar.
6- Kulammo sannadle ah oo ay iskugu yimaaddaan kumanaan kun oo qof ayay ku qabtaan
May be an image of 5 people

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews