berberatoday.com
Dawlada Djibuuti oo Iibsanaysa Diyaarado Ciidan oo Heer Sare Ah
March 23, 2024 - Written by admin

Dawladda Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa soo iibsaneysa laba diyaaradood oo noocoodu yahay Cessna Grand Caravan EX, kuwaas oo loo isticmaalo hawlgallada gaarka ah ee Ciidammada.

Qandaraaska lagu iibiyay diyaaradahaan ayaa waxaa la siiyay shirkadda Textron Aviation ee laga leeyahay dalka Maraykanka, waxaana bixiyay qandaraaska Ciidamada Maraykanka qaybtooda bixinta qandaraasyada.

Warka la xiriira heshiiskaan ayaa waxaa baahiyay shirkadda Textron Aviation 13 kii bishaan aan ku jirno ee Maarso.

“Labadan diyaaradood ee Cessna Grand Caravan EX, waxaa labadoodaba loo adeegsan doonaa howlgalada gaarka ah ee sirdoonka, dabagalka, iyo sahanka qalabaysan si loo xaqiijiyo madax banaanida xuduuda ee dalka Djibouti,” ayuu yiri Bob Gibbs, madaxweyne ku xigeenka, iibka gaarka ah ee shirkaddaTextron.

Heshiiska lagu iibinayo diyaradahaan ayaa la sheegay in uu yahay mid aan xad lahayn oo socon doona muddo shan sandood ah, kaas oo dhigaya in ilaa lacag $100 milyan oo doolar ah wax lagu kala iibsan karo.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saarta diyaaradaan, wadamada iibsada ayaa u isticmaala diyaarada in ay ku ilaaliyaan xuduudahooda iyaga oo ka faa’iiedeysanaya qalabka ku xiran.

Jabuuti ayaa haatan la kulmeysa xaalad aan xasilooneyn oo ka jirta gobolka, iyada oo kooxda Xuutiyiintu ay halis muuqata ku noqtotay gacanka badda ee muhiimka ah ee mara Jabuuti.

Kooxda ayaa horay u bartilmaameedsatay maraakiib maraysay badda cas, kuwaas qaarkood ay ku dhufteen gantaalo ay soo tuureen.

Maraykanka ayaa saldhig milatari oo wayn ku leh dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah ciidamadiisa ugu xoogan ee Afrika.

Maxay tahay diyaarada Cessna Grand Caravan EX?

Diyaaradan oo uu soo saaro Maraykanka ayaa ka mid ah kuwa loo adeegsado sirdoonka, dabagalka, iyo sahanka,taas dalal badan aduunka ay ciidamadoodu adeegsadaaan.

Qiimaha diyaaradan ayaa ku xiran nuuca iyo sanadka la soo saaay. Kuwii la soo saaray sanadihii 2019-kii iyo 2023-dii ayaa jooga qiimo u dhaxeeya 2.3milyan ilaa 2.6 milyan oo dollar.

Waxay ku duuli kartaa jooga hawada ilaa 25 kun oo fiit iyadoo diyaaradan ay leedahay hal matoor.

Mareykanka ayaa diyaaradaha Caravan siiyay dalal badan oo Afrikaan ah si ay ugu adeegsadaa howlaha sirdoonka, ilaalinta iyo sahminta.

Bishii Maarso ciidamada cirka ee Tunuusiya ayaa helay diyaaradan Cessna Grand Caravan EX.

Sidaas oo kale dalka Rwanda ayaa ka mida dalalka helay diyaaradahan iyadoo dawladda Maraykanku ay hore deeq ahaan ugu siisay 14 diyaaradood oo Grand Caravan EX ah.

Diyaaradan Cessna Caravan waa mid dookheedu sareeyo marka la joogo dalalka Afrrika iyo caalamka laakiin Maraykanka waxay uga deeqaan gargaar militari ahaan wadamada caalamka qaarkood.

Dalalka Cameroon, Chad, Niger, Mali, Mauritania, Kenya iyo Uganda ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee hore u haystay diyaaradahan kuwaas oo la howlgala ciidamada Maraykanka ee howlgalka Afirka.

Awoodda Ciidammada Cirka ee Jamhuuriyadda Djibouti:

Dalka Jabuuti oo dhaca geeska Afrika iyo gacanka cadmeed ayaa ciidamadeeda cirka asaastay sanado uun markii ay xoriyadooda ka qaadatay dalka Faransiska sanadkii 1977-dii

Ciidamada Cirka ee Jabuuti waxay ku qalabaysan yihiin ilaa toban diyaaradood oo ay ku jiraan laba nooc oo ah MA60, Cessna 208 Caravan, laba nooc oo ah Let L-410 Turbolet VIP transports, shan diyaaradood oo nooca SA365Ns, Eurocopter AS355, Harbin Z9, Mil Mi-8 iyo laba Mil-Mi- 24 diyaaradood oo Helicopter ah

Dalalka UK, Faransiiska, Ruushka, Maraykanka, Shiinaha iyo Turkey ayaa farsameeya diyaaradaha ay ku qalabsan yihiin ciidanka cirka ee Jabuti kuwaas oo ka howlgala mandaqa xasaasi ah.

Si kastaba ha noqotee, u dhawaanshaheeda gobolka Bariga Dhexe, meesha ay ku taal oo ah marinka Bab-ül Mandeb, iyo muhiimada ay u leedahay waddooyinka marinka tamarta ayaa dalkan ka dhigay meel muhiim ah oo soo jiidata indhaha dowladaha waaweyn ee caalamka.

Juqraafi ahaan Jabuuti waxay ku taalla meel laga maamuli karo marinka badda cas iyo badweynta Hindiya; waxa kale oo ay isku xirtaa badda Aasiya-Pacific, Gacanka Faaris, iyo gobolka Geeska Afrika.

Waxaa sidoo kale lagu qeexi karaa in jabuuti ay ku taal albaabka laga galo badda cas, taas oo u oggolaanaysa inay noqoto marinka Waqooyiga Afrika iyo gobollada Bariga Dhexe.

Xigasho BBCSomali.com.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews