berberatoday.com
Qorsheeyihii Al-shabaab ee Dilalka Puntland oo Dil Lagu Xukumay
March 23, 2024 - Written by admin

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday Cabdisalaan Sahal Shuceyb oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab una qaabbilsanaa sahminta dilalka madax jebinta.

Cabdisalan Sahal Shuceyb, ayaa lagu helay inuu ka dambeeyay sahminta dilalka 15 qof oo isugu jiray Nabad-doonno, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo Al-shabaab ay ku dileen magaalada Gaalkacyo intii u dhaxasay 2017 illaa 2023.

Maxkamadda waxay sheegtay inuu ka tirsan yahay waaxda amniyaadka ee Alshabaab, kuwaas oo qaabilsan dilalka madax jebiska, waxayna maxkamaddu tilmaamtay in shaqadiisu ay ahayd inuu Shabaab ku hago qofka ay rabaan inay dilaan.

Cabdisalaan, wuxuu ahaa 50 jir Taksiile iyo dillaal ah. wuxuu ahaa nin dadka reer Gaalkacyood ay si aad ah u wada garanayaan. xeer ilaalintu waxay sheegtay odeynimadiisa iyo aqoonta ay bulshada u lahayd inuu si qaldan uga faaidaystay oo uu ku dhegray.

Wuxuu isagu qirtay in 4 qof oo ay Alshabaab dileen uu lahaa samhmintooda. Wuxuu ku andacooday inuu shaqadan u hayay cabsi iyo cago juglayn uu kala kulmi jiray kooxda Alshabaab.

Laamaha amniga Puntland ayaa ninkaan gacanta kusoo dhigay 2022, ka dib markii ay xogtiisa gudbiyeen shabakadii ugu dambeysay ee Shabaab ee Gaalkacyo lagu qabtay, kuwaas oo ka dambeeyay dilalkii ugu dambeeyay ee dhacay 2022-2023.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews