Guddida Farsamo Ee Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kulamo la Qaatay Dalladaha SONSAF Iyo SONYO
March 24, 2024 - Written by admin
Guddidii farsamo ee madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland u igmaday heshiiskii dhawaan dhex maray dawladaha Somaliland iyo Ethiopia, ayaa maanta kulamo la qaatay dalladda dhallinyarada somaliland ee SONYO iyo jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF.
Kulankan ayey guddidu madaxda dalladaha SONYO iyo SONSAF uga warbixiyeen hawlaha loo igmaday, waxana ay ka dhegaysteen talooyin la xidhiidha hawsha guddidu gacanta ku hayso.