berberatoday.com
Tibor Nagy Iyo Joshua Meservey Oo Warbixin Ay Qoreen Ku Shaaciyay In Heshiiska Badda Ee Somaliland Iyo Itoobiya Uu Fursad Iyo Faa’iido u Noqon Karo Bariga Afrika H
March 25, 2024 - Written by admin

Warbixin ay qoreen Kaaliyihii  hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka Tibor Nagy iyo Khabiir u dhashay Imaaraadka carabta oo wax ka dhiga Jaamacadda Texas Tech Mr. Joshua Meservey ayay diirrada ku saareen hirdanka dhinaca khayraadka Afrika iyo ka hortagga Argagixisada.

“Inkasta oo ay dad badani shaki ka qabaan heshiiska cusub ee ay Itoobiya iyo Somaliland ku dhawaaqeen, haddana waxa uu noqon karaa mid faa’iido u leh guud ahaan mandaqada Geeska Afrika, Masar iyo Badda Cas,”ayaa lagu yidhi Warbixinta ay qoreen labadaas khabiir. Waxana warbixinta lagu sheegay “Dalal badan oo shaki ka qaba heshiiska ay dhawaan ku caddeeyeen Itoobiya iyo Somaliland ee ah in Itoobiya laga kireeyo saldhig millatari oo badda ah, halka Itoobiyana ay ku aqoonsanayso madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo dalalka mandaqada oo dhan u noqon kara faa’iido weyn.”

Warbixintu waxa ay intaas ku dartay  Somaliland waa dal  madax-bannaan oo ay ku nool yihiin illaa 7 milyan oo qof oo leh in ka badan 500 oo mayl oo xeeb ah oo ku taalla badda cas. Ingriiska oo hore u gumaysan jiray, waxa ay xornimada ka qaateen bishii  June 1960. waxa ay si mutadawacnimo ah ugu  biirtay Somaliland  Soomaalidii  Talyaaniga xornimada ka qaatay waxaanay labadooduba samaysteen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Midawgu waxa uu ahaa masiibo, ka dib markii  Soomaaliya uu gacanta ku dhigay taliskii arxanka daraa  ee General Siyaad Barre, oo isku dayay in uu burburiyo gobonimada Somaliland, oo  uu xasuuqay kumanaan qof oo reer Somaliland ah oo rayid ah,”ayay tidhi warbixintaasi.

Sidoo kale labada khabiir waxa ay sheegeen in Somaliland waxay ka go’day Soomaaliya oo ay toban sannadood oo dagaal lagu riiqday kadib la soo noqdeen madaxbannaanidoodii 1991kii oo ay dalkooda ka qabteen afti dadweyne oo jidaysay xaqa madax-bannaanida JSL. Waxana ay tilmaameen in Somaliland ay ku tallaabsatay dimuqraadiyad iyo dawladnimo shaqaynaysa. Iyadoo ergo xaqiiqo raadin ah oo midowga Afrika u soo diray Somaliland ay caddeeyeen inay istaahisho in loo aqoonsado qaran madax-bannaan.

Warbixinta labadaas xeel-dheere waxa ay ganafta ku dhufatay dooda Soomaaliya ee la xidhiidha in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu sii xoojinayo kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.waxana ay ku tilmaameen dacaayad Soomaaliya kula dagaallamayso Itoobiya

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews