berberatoday.com
Masuuliyiinta Dawlada Hoose Oo Kormeer Ku Tagay Xabaalihii Hore Ee Naaso Hablood Iyo Arin Mucjiso Ah Oo Ay Kusoo Arkeen!
March 27, 2024 - Written by admin

Masuuliyiinta dowladda hoose ee caasimada Hargeysa, ayaa kormeer ku tagey Xabaalihii hore ee Naasa Hablood ee buuxsamay, waxaaney sheegeen in ay kala kulmeen arrin mucjiso ah, fajiciso ah, oo aanu garaadka dadka bini’aadamku aanu u adkaysan karin, taas oo ah in dad ay dul dageen isla markaana ay Xabaalihii ka dul dhisteen Buul Hunguriyo.

Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Hargeysa Siciid Nuur Jaamac, waxa uu sheegay in bulshada reer Hargeysa intii ugu badneyd ay ku aasan yihiin, waxaanu  cidkasta oo qof kaga aasan yahay ka codsaday inay ka soo qayb qaataan dayr lagu xidhi doono Xabaalahaasi si loogu daryeelo.

Sidoo kale waxa uu dadka dul dagey ee damucu ka galay xabaalaha Naasa Hablood uu ugu baaqay inay iskaga guuraan, waxaanu ILLAAHEY uga baryay in qalbooga wanaaga iyo ALLE ka cabsiga ku soo dabaalo.

Geesta kale wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa dadkan damucu ka galay xabaalaha Naasa Hablood xusuusiyay xadiis laga soo wariyay Nebigeenii Suuban NNKH, Xadiis ayuu ku sheegey in taako dhulka ka mid ah qofkii ku xadgudba in toddobada dhul qoorta loo sudhayo.

Wasiirku waxa uu ku waaniyay, in aanay qaadan karin, balse ay ku fududahay inay ka guuraan,   ILLAAHEY-na danbi dhaaf weydiisataan,”

Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Hargeysa Siciid Nuur Jaamac, ayaa sheegay in qaylo dhaantii uga timid bulshada kadib ay kormeereen waxaanu warbaahinta la wadaagey wixii ay kala kulmeen.

Waxaanu yidhi.“Waxa qaylo dhaani naga soo gaadhay Xabaalihii hore ee Naasa Hablood, arrin mucjiso ah, fajiciso ah, oo aanu garaadka dadka bini’aadamku aanu u adkaysan karin, ay naga soo gaadhay, isla markaana aanu kormeer iyo indha indhayn ugu nimid, waxaanu la kulanay Xabaalihii oo meelo badan laga dagey, Buul Hunguriyo laga dhistay, waxa aanu aad iyo aad uga xunahay sida ay wax u dhaceen, maadama waalidkeen iyo dad Islaam ah oo faro badani ku aasan yihiin, waa Xabaalaha bulshadii ugu badnayd ee reer Hargeysa ay ku aasan yihiin, masuuliyad weyn ayaa innaga saaran ilaalinteeda, waxaanu doonayna in masuuliyadihii diiniga ah aanu halkan ka fulino.

Waxaanu ugu baaqayna cidkasta oo waalidkeed halkan ku jiro, ama ehelkeed, ama muxsiniina oo khayrka jecel, inay ka soo qayb galaan dayrka lagu wareejinayo xabaalaha, oo Xaaji Axmedna maanta horsed innoogu yahay.

Inta degan ee halkan waxa ka doontayna waxa ugu baaqayna in ay ILLAAHEY u soo noqdaan, qalbigooda iyo quluubtoodana ILLAAHEY ku soo celiyo, oo ay ka dulguuraan xabaalahaasi”

Geesta kale wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa dadkan damucu ka galay xabaalaha Naasa Hablood xusuusiyay xadiis laga soo wariyay Nebigeenii Suuban NNKH, Xadiis ayuu ku sheegey in taako dhulka ka mid ah qofkii ku xadgudba in toddobada dhul qoorta loo sudhayo.

Waxaanu yidhi.“In Xabaalihii aynu daryeelo oo ay dareemaan inay dad leeyihiin, maadama iyagu damqasho mooyaane aanay hadleynin.’

Bulshadan Xabaalaha dul degay waxaan leeyahay, si ikhtiyaariya iskaga guura, xaq umalihidin, Diin iyo Shareeco ahaana ma bannaana, dhulka in lagu xadgudbo, Nebigu SCW Xadiis ayuu ku sheegey in taako dhulka ka mid ah qofkii ku xadgudba in toddobada dhul qoorta loo sudhayo, maqaadi karno, mana qaadi kartaan, waxa ka fudud in aad ka guurtaan, ILLAAHEY-na danbi dhaaf weydiisataan,”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews