berberatoday.com
Somaliland Oo Markale Kala Badbaadisay Laba Diyaaradood Oo Haayada Duulista Somaliya Sobobi Gaadhay In Ay Isku Dhacaan!
March 27, 2024 - Written by admin

Diyaarado isku dhici gaadhay mar labaad

Habeenimadii Axaddii March 24 2024, abbaaro 12:43 Afrikada Bari , ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Emirate Airways oo duulimaadkeedu ahaa UAE722 kuna duulaysay joog 37,000ft iyo diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedu ahaa ETH690, kuna jirtay joog 37,000ft ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan, ka dib markii Muqdisho Control ay labaddan diyaaradood siiyeen joog wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen.

Daqiiqado yar ka hor wakhtiga ay isku dhici lahayeen, ayaa dedaal ay sameeyeen Somaliland Air Traffic Controllers ka iyo duuliyaha diyaaradda Ethiopian Airlines, ay sababtay in uu duuliyuhu si deg-deg u baddalay joogiisii, isla markaana uu koray jooga 39000ft.

 

Intaas oo kaliya maaha, waxa ay maamulayasha hawada ee Muqdisho (Mogadishu Controllors) si joogto ah u sameeyaan khaladaad kuwan la mid ah, kuwaas oo halis ku ah badqadbka diyaaradaha caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si xirfad sare leh u maamulaysaa diyaaradaha ku duulaya hawadeeda iyada oo ku filan adeegga ay u baahan yihiin, iyada oo mar walba saxaysa khaladaadka ay samaynayso Muqdisho, khaladaadkaas oo horseedi kara masiibooyin aad u wayn.

Waxa aanu hay’addaha ay khususayso iyo dhammaan caaalamka la wadaagaynaa in is adkaynta iyo aqoon darrada ka muuqada Towerka Muqdisho ay khatar ku tahay badqabka hawada.

Waxa aad halkan ka dhagaysan kartaa Controller -kii Muqdisho oo canaan iyo eedayn ku wajahan duuliyihii jeedinaya, isaga oo leh maxaad cid kale amarka uga qaadatay

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews