berberatoday.com
Somaliland oo ku Fashilantay Fulinta Mashaariic Baanka Adduunku ugu Deeqay
March 28, 2024 - Written by admin

Somaliland,  ayaa ku fashilantay fulinta mashaariic door ah oo uu ugu deeqay Baanka Adduunku. Mashaariicdaasi oo wax wayn ka tari lahaa baahiyaadka aasaasiga ah sida: Caafimaadka, Waxbarashadda, Beeraha, Isgaadhsiinta iyo Nidaaminta Hannaanka loo isticmaalo Khayraadka Dawladda.

Mashaariicdani oo ay ku bixi lahaayeen aduun lacageed oo kor u dhaafaya $190 milyan oo Dollar waxa ay u xaniban yihiin maamul xummo iyo muran ku saabsan dhinaca qaadashadda shaqaalaha fulinaya mashruuca, iyo waliba waafaqsanaan la’aanta hab-raacyada Baanka Adduunka.

Madaxtooyada Somaliland oo dhawr jeer soo dhex gashay soona agaasintay shirar wax lagaga qabanayo hawshaasi ayaan waxba ka tarin muranadda taagnaa ee sababay in mashaariicdaasi habsan galaan.

Markii aannu u dhabbogalnay halka ay sartu ka qudhunsan tahay, waxaanu ogaannay in Wasaaradaha ay hawshani hoos tagtaa si guracan oo gacan togaalayn iyo eexi ku jirto u qaateen shaqaalihii mashaariicda maamuli lahaa. Ka dib markii inay tallaabooyinkaas foosha-xun qaadaan uu ku khasbay ama culays ku saaray Xafiiska Xoghayaha Madaxtooyadu.

Xafiiskan, ayaa wararku tibaaxeen inuu doonayo in la siiyo shakhsiyaad uu wato boosaska ugu tunka wayn leh sida Xidhiidhiyaha Mashruuca iyo Iibka (Project Coordinator and Procurement positions), taas oo keentay in dadkii u tartamayay ay dacwado u gudbiyaan Baanka Adduunka.

Baanka Adduunka, ayaa hannaanka loo qaato shaqaalaha doonaya in uu noqdo mid daah-furan oo lagu tartamo, iyadoo loo marayo Habraacyda shaaqalaynta ee Baanka Adduunka, balse taasi waxa mar walba dhinac maray cidda Somaliland uga masuulka ah mashaariicda kor ku xusan.

Sidoo kale, waxa iyana si baal-marsan nidaamka loogu tallo-galay qaadashadda Shaqaalaha Mashaariicda u soo farogeliyay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, taas oo dano gaar ah ka lahayd in ay mashaariicdaasi u qaataan dad iyaga matalaya. Murannada madhalayska ah ee habsanka ku keenay mashaariicdaasi markaannu si dhaw ugu kuurgalnay waxaannu ogaannay in ay salka ku hayaan sidii mashaariicaasi looga heli lahaa dheef leexsan, iyo in daneeyayaashu isku fahmi laa’iyiin ciddii lagu qori lahaa si ay danahaa u fuliso.

Baanka Adduunka, ayaa walaaca uu ka qabo in lacagta ku jirta mashaariicdani dib u noqoto, isla markaana sahayato in Somaliland loo diido mashruuc danbe waxa uu la wadaagay Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire.

Wasiirka Maaliyadda oo saxeexe ka ah mashaariicda Baanka Adduunku waxa uu ku guuldaraystay in uu xalliyo arrimaha muranku ka taagan yahay, waxaana ka mid ah mashaariicda xanniban ee muddo dhaafay Mashruucii hoos tagi jiray Maaliyadda.

Ficilladan gurracan ee musuq doonka ah, ayaa waxa ay Somaliland u muujiyeen ama ka dhigeen “Karis Xun iyana ku Wax la’” maaddaama oo ay ku guuldarraysatay in ay ka faa’iidaysato mashaariicdii loogu deeqay dalka. Gaar ahaanna ay ahayd inay daboolaan baahiyaadka aasaasiga ah iyo dawlad-dhiska wax lagaga qabto, waxaanay tani keeni kartaa in laga saaro Somaliland liiska ka faa’iidaystayaasha mashaariicda Baanka Adduunka mudddada dhaw.

Arrintani waxa ay imanaysaa iyada oo marka horeba Dowladda Soomaaliya Baanka Adduunka uga dacwootay mashaariicda sida gaarka ah loo siiyo Somaliland, una gudbisay cabasho ka dhan ah arrintaasi oo ay ku doodayaan inay wax u dhimayso madaxbannaanidda Soomaaliya. Waxaanad mooddaa Saraakiisha sifada khaldan doonaya in loogu soo gacan galiyo mashaariicdani ay la shaqeynayaan kooxaha ka soo horjeedda Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews