Ciidanka Booliska Somaliland oo Gacanta Kusoo Dhigay Gacan Ku Dhiigle Hargeysa Dil Ku Geystay
March 29, 2024 - Written by admin
Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane Khaalid Axmed Koosaar oo ku eedaysan inuu 26-3-2024 ku dilay Magaalada Hargeysa marxuum Nuur Cabdi Ismaaciil waxaanu ku dhuftay Baaskoolad.
Ciidanka Boolisku waxay wadaan baadhid-dheeraada markay ay dhamaatana waxay degdeg u horgeyn doonaan sharciga eedaysanaha.
Taliska Ciidanka Booliska JSL , waxay tacsi u dirayaa ehelka marxuumkaasi Alle naxariistii janno haka waraabiyee.
Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.