berberatoday.com
Wariye Mukhtaar Cabdiraxmaan Xariir oo Kawaramay Dhac Iyo Tuugo Hargeysa Kala Kulantay.
March 29, 2024 - Written by admin
Maafiyada Hargaysa ka dilaacday iyo moogaanta bulshada iyo haayada amaanka .
Waxay ahayd 2:00 duhurnimo markii aan soo galay xaafada aan ka deganahay Magaalada Hargaysa baaburka aan wataa waa nooca yar ee loo yaqaana Viroza waa xili kulul oo cagtu yar tahay waa xiliga hurdada maalinino
Goobtan aan deganahay waa meel aad u amni badan marka aad caasimada joogto laakiin waxaan aad ula yaabay dhaqan aanan hore u arag oo igu dhacay 13 March 2024-ka
Baaburka ayaan hor dhigay geed guriga hortiisa ah waxaa iigu xigtay salaadii casar baaburkii oo 4 taayir iyo rikoodhkii laga furtay oo aad moodo baaburtii baaliga ahay ee aynu dalka ugu soo noqonay 1991kii ,waan u qaadan waayey inuu gaadhigan yahay kii aan watay in kale waaban ku wareegay saa waa isaga laftiisii oo maxaa helay ?
Dadkii xaafada oo dhan ayaa soo baxay oo dhabka iyo gacanta isa saaray baaburkan nolosha lagu furfurtay ee beerka dhulka loo dhigay , halkii ayaanu kaga tagnay isagoo sidii ah intaan alaabtii ka rogay iisaarnayd
Waxa iigu yimi goobtii ragg dhalinaro ah oo aanu saaxiib nahay waxay igu yidhaahdeen aynu saldhiga tagno waanu udhaqaaqnay Saldhiga daloodho oo aanu xaafad ahaan ka tirsanahay askartii iyo saraakiishii markii aanu arinkii usheegnay waxaabay noo sheegeen inuu jiro baabur laysla yaqaano oo midabka silverka ah oo VItz ah inuu jiro ? Waxaan is waydiiyey oo maxay usoo qaban waayeen haday garanayaan?
Dhicintaanka hantida umada ee caasimada Hargaysa gaar ahaan gaadiidka iyo guryaha ayaan kusoo badnaysa xaafada 150 ee Magaalada Hargaysa oo hada uu ka socdo mashruuca furfurashada gaadiidku waxaan ogaaday inay jiraan dad badan oo baaburtoodii la dhacay oo aan cidna waxba ka qaban boobka iyo budhcadnimada lagula kacay oo qaarkood guryaha habeenkii loogu daadato sida maafiyada , qaarkood ayaa la furfurtaa iyadoo la arkayo inta guryaha dhakada lagaga xidho .
Xaafada aanu degnayn waxaa ku xidhnayd camerada Cctv balse waxaa yaab lahayd inuu dabku maqnaa intii hawshu socotay ku yarayd 30 daqiiqo oo ah xiliga Ramadaanta dhabka dhulka la dhigo .
Waxayaabaha aan ogaaday waxaa kamid ah inay jiraan suuqo lagu kala iibsado hantida umada laga dhaco oo aan ilaa hada xuuranka iyo ciidanka caasimadu aanay helin .
sida aanu wararka ku helnay waxaa jira laba baabur Noha ah oo fiidkii la hor dhigo Abco Sperparts iyo guuleed Hotel oo ay saaran yihiin agabkii umada laga furfurtay oo laga iibiyo dadka masaakiinta ah ee aan iibsan karin qalabka qaaliga ah ee laga furtay waa warar aanu helnay intaanu baadi-doonka ahayn laakiin ma xaqiijin karo .
Ciidanka amaanka iyo kuwa baadhista ha raadiyaan suuqyada tuugada ee ka jira caasimada si looga hortago dhibaato ka wayni inay timaado halistan iyo warwarkan ku bilaabmay bulshada .
Kooxahan maafiayad ah ayaa kuwo abaabul oo wata qalabka iyo gaadiid dhamaystiran waxayaabaha yaabka leh ee aan ogaaday waxaa jira in sheekh masaajid tujinayaa in baaburkiisa lasii furfurtay intuu allaah swt hortaagnaa
Alaabta layga xaday waxaa jiray
Hard-diska / kayd ay kujiraan barnaamiyo iyo warar ku saabsan Berbera intaan xusuusto .
Mukhtar A.Harir
Berbera

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews