berberatoday.com
Baarlamaanka Dawlada Xamar Qeybo Kamida oo Ansixiyay Wax Ka Bedel Xasan Sheekh Ku Sameeyay Dastuurkii Ku Meelgaadhka Ah ee Somaliya
March 30, 2024 - Written by admin
Doorasho magaalooyinka waa weyn oo keliya ka dhacaysa.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay waxka beddelka lagu sameeyay Dastuurka Soomaaliya gaar ahaana cutubyada 1-4.
Qodobada ugu muhiimsan ee wax laga bedelay
waxa ku jira.
1. in Raysal wasaaraha madaxweynuhu soo magacaabo, xilkana ka qaado isagoo aan Baarlamaanka marin.
2 In waddanku yeesho saddex xisbi.
3 in hadda wixii ka dambeeya madaxda lagu soo doorto hannaan qof iyo cod ah.
Haddaba dadka falanqeeyay siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in danta ugu weyn ee madaxweyne Xasan Sheekh, arrintan ka leeyahay tahay hannaaanka doorashada soo socota sida uu sharxayo aqoonyahan Afyare Cabdi.
“Madaxweyne Xassan Sheekh iyo taageerayaashiisu waxay ku doodayaan inaan teendhadii lagu noqon oo waxay leeyihiin ha loo guuro nidaam madaxtooyo oo uu dadku soo doorto. Tan ayaa ah xuddunta ama lafdhabarta hawsha socota ee dastuurka oo dhan loo baddalayo”
Markale Afyare, waxa uu sheegay in kooxda Villa Soomaaliya doonayso doorasho ay codeeyaan dadka magaalooyinka waa weyn jooga sida Muqdisho.
“ Dabcan, hannaanka madaxtooyada in la qaato dhib ma ahan. Waxaase muuqda in dowladdu nidaamyada xisbiyada, doorashooyinka iyo madaxtooyada iskugu sooheyso sida ay iyaga dantu ugu jirto. Waxaana muuqata inay samaysanayaan nidaam iyaga u daneynaya sidii ay xukunka ugu soo noqon lahaayeen. Waa xisaab ku dhisan waxaa codeynaya dadka magaalooyinka waaweyn jooga. Taas ayeyna u arkeen inay ugu badiso. Waa arrin la fahmi karo.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews