berberatoday.com
Dadka Taariikhda Akhriyaa Waxay Isku Raacsan Yihiin In Cabdifataax Al-sisi Yahay Nin Caqli Badan Dhagarta Maleega Yaqaana”W/Q Cabdi Yasin Yool
April 1, 2024 - Written by admin
Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-sisi habeenii uu Inqilaabay Maxamed Mursi ,waxaan joogay oo ka daawanayey Xaafada Taasic ee Madinatu Nasr ee Bariga Qaahira.
Dadka taariikhda akhriyaa waxay isku raacsan yihiin in Cabdifataax Al-sisi ,yahay nin Caqli badan dhagarta maleega yaqaana wuxuu doonayo ,saaxibadii iyo cadawgiisa isku mid ula dhaqma oo beerkiisa naxariis aqoon kaarto badan.
Al-sisi Xilligii dawladii Madaxweyne Xusni Mubaarik .wuxuu ahaa Taliyaha Sirdoonka Mallatariga Masar ,oo ah boos xasaasi ah waxay Maxamed Xusni Mubaarik ka soo wada jeedaan Gobolka Munuufiya oo ay ka soo baxaan Madaxda Masar sida Saadaat, Mubaarik iyo Al-sisi iyo ra”iisal-wasaarayaasha ugu badan waaxanay ku badan yihiin Ciidamada sida Sirdoonka , Mallatariga iyo Booliska,waxaa lagu naanaysaa الارض السلطة .
Cabdifataax Al-sisi wuxuu ka caqli badiyey Madaxweyne Maxamed Mursi, iyo kooxda Ikhwaanul-muslimiin wuxuu ku sameeyey “الخداع الإستراتيجي” khiyaano istarataji wuxuu iskaga dhigay nin Diinta ku fiican tusaale Ikhwaanka oo ahaa Wadaado wuxuu u iman jiray isagoo sooman Isniinta iyo Khamiista.
Wuxuu ahaa nin Salaad badan oo diintu ka muuqato laakiin wuxuu umatallay inuu Wadaad yahay waa Sababta Mursi ,uga dhigay Wasiirka difaaca ee Masar.
Al-sisi markuu noqday Wasiirka difaaca markiiba wuxuu qorsheeyey inuu Inqilaabo Ikhwaanka iyo Mursi labadaba , waanu Inqilaabay ficlan wuxuu ka dhigay wuxuu laayo wax Xabsiyada laga buuxiyo iyo wax Carara, waana taatikadii Jamaal Cabdinaasir ku sameeyey Kooxda Ikhwaanka markuu 1952-kii Inqilaabay Boqor Faaruuq Boqorkii Masar Iyo Suudaan .Ikhwaanku waxay President Cabdinaasir ka caawiyeen inuu Inqilaab sameeyo isagoo 35-jira .
Oo hogaaminaya dhaq-dhaqaaqa Saraakiikha Xorta ee حركة الضباط الأحرار Jamaal Cabdinaasir sanadkii 1954-kii wuxuu kala diray oo Xabsiyada ka buuxiyey Kooxda Ikhwaanka, sanadkii 1965-kii wuxuu dilay Xubno Muhiima oo ah Ikhwaanka sida Cabdiqaadir Cawda , Cabdifataax Ismaaciil iyo Sayyid Qudub oo qoray Buuga Caanka ee معالم في الطريق oo marjac u ah Kooxaha Xag-jira sida Daacish iyo Al-qaacida iyo Al-shabaab .
Wasiirkii difaaca ee dawladii Mursi wuxuu Saraakiisha Ciidamada Masar ku qanciyey haddii Kooxdka Ikhwaanku Xukunka ku xididaysato in iyaga si fudud looga takhalusayo, Al-sisi markuu Xukunka xoogaa joogay wuxuu ka takhalusay cid kasta oo Kurisiga saartay .
Wuxuu dabakhay arragtida ku dhisan Machiavellian theory Buugiisa the Prince ee Hogaamiyayaashu akhristaan sida sadarka odhanaya aims justify means .
Qoraalkan waxaan igu kaliifay inaan Qoro waxaan arkay Cabdifataax Al-sisi oo iska dhigaya nin Qushuucsan oo ilaahay ka baqaya, Kooxaha Wadaadada ee Xukunka qabsdaa sidoodaba malaha Khibrad siyaasadeed waa dad Masaajido ka yimi iyo Shirkado Ganacsi.
Dr: Maxamed Mursi muu ahayn Siyaasi wuxuu
ahaa Wadaad bartay Cilmiga Geology, oo daacada Siyaasadu waa shaki , dhagar iyo in mar kasta Xeelad kuu qarsoon tahay oo dadkaad isqabataan ka Xeelad badiso.
Waxa Qoray Cabdi Yaasiin Yool

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews