Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Jsl Oo soo Dhaweysay Warbixin ka Baxday Telefishan Laga Leeyahay Dalka Kenya!
April 3, 2024 - Written by admin
Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Marwo Rooda Jaamac Cilmi, ayaa soo dhaweysay warbixin togan oo uu Somaliland ka baahiyay Telefishanka Citizen Tv Kenya oo ka warramay nolosha Kiiniyaanka ka shaqeysta Somaliland.

Wasiir Rooda Jaamac Cilmi waxa ay qoraal ay ku daabacday barteeda X (twitter) ay ku sheegtay in warbixinta Telefishankaasi ay sawir togan ka bixinayso ammaanka iyo Dawladnimada Somaliland.