“Waxaanu ku Wargelinaynaa Dhammaan shacabka Somaliland, Inay ka Fogaadaan Goobaha Dooxyada , Laagaha Iyo Biraha laydhka”Ciidanka Booliska Somaliland
April 3, 2024 - Written by admin
WARGELIN MUHIIMA :
Sidaa la socotaan waxa la galay xilli roobaad , iyadoo la sadaalinaayo raxmad badan oo keeni kara wacyeellooyin laga taxadari karo , Haddaba Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan goballada , degmooyinka iyo miyigaba inay ka fogaadaan goobaha Dooxyada , Laagaha , Biraha laydhka iyo guud ahaan meelaha Biyo-mareenada ah. Sidoo kale waxaannu faraynaa wadayaasha Gaaddiidka ina ay taxadar badan muujiyaan xawaaraha gaaddiidkana dhimaan iyagoo qadanaaya awaamiirta Ciidanka Nabadgalyadu Waddooyinka ( Traffic).