berberatoday.com
XUSUUS-QORKA.MAANTA 6.4.1994 XASUUQII RWANDA 100 MAALMOOD IYO DILKII 800.000 kun.(Sideed Boqol oo Kun) Qalinkii Cal-mahad Yuusuf
April 6, 2024 - Written by admin
XUSUUS-QORKA.MAANTA 6.4.1994
XASUUQII RWANDA 100 MAALMOOD IYO DILKII 800.000 kun.(Sideed Boqol oo Kun)
Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf
Waxay ahayd 6. April 1994 oo Maalintu Arbaca ahayd. Jawiga guud ee Magaalada Kigaali oo ah Caasimada Dalka Rwanda wuxuu ahaa mid degan.
Balse markii la gaadhay Casarkii ayaa Shil Argagax leh dhacday waxaa Qori tiira dheer oo Noociisu ahaa lidka Dayuuradaha (Anta Aircraft) lala beegsaday Dayuurad ay saarnaayeen Labadii Madaxweyne Ee Dalalka Rwanda Juvenal Habyarimana iyo Brundi Cyprien Ntaryamira.
Markii la xaqiijiyey dhimashada labada Madaxweyne.
Waxaa ka bilowday Dalka Rwanda xiisad aan caadi ahayn. cida gantaalka soo riday oo loo tirinaayay Ciidan kasoo jeeda Qowmiyada Tutsiga. oo tira ahaan dadka Reer Rwanda ka ah %14.
Waxaana mar keliya oogsaday Mowjado Kooxo Abaabulan oo Faashash iyo Mindiyo ku hubaysan oo u dhashay qabaa’ilka Huutuga. %84 ka ah Tirada Wadanka, Lana hayb ah Hogaamiyaha la khaarajiyey
Saacada Dilka labada Mweyne dhacay oo ahayd intii aanay cadceedu dhicin, balse markii la gaadhay 9:00 Pm Habeenimo Dhamaanba Ragii Xilalka muhiimka ah ka hayey Dowlada iyo Dadkii Magaca lahaa kuna sugnaa Caasimada Kigali.
Ee Qowmiyada Tutsiga u dhashay waxa gelelefay Maleeshiyaad Huutuu gadoodsan oo la hayb ahayd M/weynaha. la dilay oo si axmaqnimo u gumaaday cid kastoo ay u arkaan inay kasoo jeedaan Sinjiga Tutsiga oo muuqaal ahaan aad ugu eeg Dadka Soomaalida.
Xaalada Dalkaasi galayna waxay noqotay mid si weyn u damaqday Beesha Caalamka.
Saxaafada Duniduna waxay soo bandhigtay In mudo 100 Cisho ah oo ka bilaabanta 6.April ilaa dabayaaqadii July 1994 tirada maalintiiba la dilaayey ahayd 8000 (Sideed Kun) oo qof inta badana qudha lagaga jaray Faashash, Baange, Midiyo, iyo Majada Beeraha Cawska lagaga jaro. 100 kaa.Maalmoodna waxaa la gumaaday 800.000 (Sideed.Boqol oo Kun).
Inkastoo waqtigan Rwanda ay tahay mid kamid ah wadamada ugu hormarsan Qaarada Afrika. waxaana M/weyne ka ah Paul Kagame oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Qowmiyada Tutsiga.
Waxaase jira Gudiyo ilaa heer caalami ah oo u xilsaaran dabagalka iyo In Sharciga la gorgeeyo cidkastoo Dhagartaas qayb ka ahayd.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews