Nuxurka Fariinta Hindiya Udirtay Soomaliya ee Ku Aadan Budhcad Badeeda Uxidhan
April 9, 2024 - Written by admin
Safaaradda dowladda Soomaaliya ku leedahay dalka Hindiya ayaa laga codsaday inay soo xaqiijiyaan sugnaanshaha da’da 8 burcad-baddeed oo da’ yar sheegtay iyo guud ahaan dukumentiyada dhalashada, shahaadooyinka iyo aqoonsiga ay burcad-baddeeda haystaan.
Dacwad-oogaha khaaska ee maxkamadaha Hindiya, Iqbal Solkar ayaa ku baaqay in la soo caddeeyo dukumentiyada ay haystaan, iyadoo 7 Burcad-baddeed sheegatay inaysan qaan gaarin lagu sameeyey baaritaano dhanka da’da lafaha (The ossification tests), lana ogaaday inay da’dooda ka weyn tahay 20 jir .