berberatoday.com
Iran oo Weerar Cirka Ah oo Khasaare Badan Dhaliyey Ku Qaadday Israa’iil
April 14, 2024 - Written by admin

Dowladda Iran, ayaa xalay qaadday weerarkii ugu horreeyey ee ay ku beegsato Israa’iil, iyada oo weerarkan ka soo qaadday gudaha dalkeeda. Tallaabadan  oo noqonaysa, mid uga sii daraysa xaaladda gobolka Bariga dhexe.

Telefiishanka dawladda Iran ee IRINN, ayaa sheegay in Ciidammada Jamhuuriyadda Islaamiga ahi inay saqdii dhexe ee xalay bilaabeen weerarro dhinaca Cirka ah oo loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo gudaha Israa’iil.

Dowladda Iran, ayaa sheegtay in weerarkani uu jawaab u yahay, weerarkii ay Israa’iil ku dishay saraakiil sarsare oo ka tirsan milateriga Iran, xilli ay ku sugnaayeen qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.

Millateriga Israa’iil oo aan xaqiijinin ama beenin inay ka dambeeyeen weerarkaas,  ayaa sheegay in Ciidammadoodu ay diyaar u yihiin weerarrada Iran ee loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Gantaalaha Kuruuska.

Maraykanka, ayaa sheegay inuu barbar taagan yahay Israa’iil, isla markaana ka taageeri doono inay iska difaacaan halista uga imanaysa Iran.

Duqaymaha Iran ka fulisay gudaha israa’iil, ayaa la sheegay inay sababtay dhimasho dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Qaramada Midoobay, Maraykenka iyo Ingiriiska, ayaa cambaareeyay Weerarka.

Dawladaha Carabta oo ay hoggaaminayaan Jordan Qatar iyo Masar, ayaa heegan buuxa geliyey Ciidammadooda Cirka.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews