berberatoday.com
Shirkado Badan oo Joojiyey Duullimaadyadii Bariga Dhexe Cabsida Iran Laga Qabo Darteed
April 16, 2024 - Written by admin

Dalal badan oo ku yaalla Bariga dhexe, ayaa si ku-meel-gaadh ah u xidhay Hawadooda, ka dib weerarkii ay Iran xalay ku qaadday Israa’iil, waxaana la hakiyey duulimaadyo badan, halka kuwii Hawada ku soo jirayna loo leexiyey meelo kale.

Israa’iil, ayaa xilli dambe oo Sabtida ah sheegtay inay xidhay Hawadeeda, iyada oo la hakiyey duulimaadyadii iman jiray garoonka diyaaradaha ee Tel Aviv.

Dowladaha Jordan iyo Ciraaq, ayaa iyaguna xidhay Hawadooda, sida ay sheegtay warbaahinta dalalkaasi.

Diyaaradda United Airlines ee laga leeyahay Maraykanka, ayaa hakisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay Tel Aviv Sabtidii, ka dib markii ay Israa’iil xidhatay hawadeeda. Sidoo kale diyaaraddan ayaa hakisay duulimaad kale oo ay ku tegi jirtay caasimadda dalka Urdun ee Cammaan.

Diyaaradda laga leeyahay dalka Israa’iil ee El Al, ayaa hakisay in ka badan 20 duulimaad oo bixi jiray Axadda, waxaanay u sheegtay Rakaabkii diyaaraddaasi, inaanay imannin garoonka diyaaradaha, maaddaama aanu duulimaad jirinin, illaa amar dambe.

Diyaaradda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee Emirates, ayaa iyaduna hakisay duulimaad ay ku tegi jirtay caasimadda dalka Urdun ee Cammaan. Sidoo kale diyaaradaha Air France, British Airways iyo Luftansa, ayaa iyana ka mid ah diyaaradaha gobolka u safri jiray ee hakiyey duullimaadyadooda.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews