berberatoday.com
Taariikh Faneeda Fanaanka Cumar Xasqn Rooraaye. Qalinkii Cali-mahad Yuusuf.
April 22, 2024 - Written by admin
CUMAR XASAN ROORAAYE : FANAANKII KA GUDBAY XANIBAADII KACAANKA IYO XAYIRAADII IDAACADA DOWLADDA
Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf
Waa 22kii Bisha Abriil 2023, oo maalintu ku beegnayd Sabti, waxaa lagu jiray ayaantii Labaad ee Ciidul Fidriga, badiba sheekooyinka bulshada dhexdeeda marka laga yimaado warka iyo waayaha dunida waxaa hadal-hayntu u badnayd Faalada bishii barakaysnayd ee Ramadaan, qaybaha warbaahintana waxaa aad uga socday Salaamaha iyo Hambalyada Iida.
Heeso ku saabsan munaasabadan oo maqalkoodu xusuus iyo waqti hore ku hor keenayaan ayaana meelo badan ka baxaayey. Hase ahaatee casarkii dheeraa amin ku siman ilaa 4:00 Pm war xumi dugsi ma fadhiyee
Waxaa baraha bulshada ku soo dhacay, dhambaal naxdin leh waa Geerida AHN Cumar Xasan Rooraaye, oo kamid ahaa Heesaagii ugu magaca weynaa Fankii xariirta ahaa ee Afsoomaaliga, wuxuu kamid ahaa xubnihii Magacoodu ka dhex ifey Masrixiyadihii sida weyn looga daba dhacay, oo sheekooyinkooda iyo qisooyinkii ay xambaarsanaayeen, intii usoo joogtay ilaa haatan ay ka sheekeeyaan.
Waxaa xus iyo xusuus iga mudan markii iigu horeysay ee aan indhaha saaro AHN Cumar-Rooraaye, waa sanadkii 1980kii iyo Magaaladii Garoowe, waxaanay wadeen Riwaayadii XORIYO.
Dhacdada xiisaha gaarka ah lahayd waa Xaflad qado sharaf ah oo madaxdii iyo masuuliyiintii Gobolka Nugaal ay u sameeyeen Hoboladii Waaberi ee Riwaayadaasi waday. Oo ka dhacday xaruntii Dalxiiska ee Garoowe.
Inkastoo da’ ahaan aan aad u yaraa, balse jawiga xafladaas sida xaalkeedu ahaa iyo wejiyada akhyaarta madashaasi ku kulantay wax aan aad uga bogtay Sawiro xusuus ah oo maalintaasi laga qaaday Fanaaniintaasi.
sawiradaas oo korjado dhan ka koobnaa waxay ooli jireen Gurigayaga inkastoo aanu dhowr Magaalo u kala guurnay, waxay soo gaadheen ilaa 1985kii.oo aanu deganayn Muqdisho.
Waxaan marar badan usoo joogay iyadoo la faalaynaayo oo magacyadooda la sheegayo dadka sawiradaas ku jiray, oo ay kamid ahaayeen
Badhasaabkii Gobolka Nugaal AHN Axmed Maxamed Isaaq (Karakuus), Maayarkii Garoowe Cali Xaashi Baraale, Taliyihii Qaybta Booliska AHN Maxamed Cige, Taliyihii Nssta AHN Yuusuf Saleebaan, Taliyihii Guutada 28aad AHN Xasan Yoonis Habane, waxa kale oo kamid ahaa Jaamac Cali Xasan (Gaashaan-cade), oo aan filayo inuu yahay masuulka keliya ee ka nool dhamaanba madaxdii Heer Gobol iyo degmo.
Sawiradaas waxaa kale oo ku dhamaa Hobolada Waaberi oo Ud-bahoodii iyo dhigahoodiiba u dhan yihiin, gaar ahaan intii waday Riwaayadaasi XORRIYO. Oo tiradoodu marka laysku wada daro ilaa ragga muusika tumaya, dhowr iyo labaatan qof ka koobnayd, balse maanta ay ka Nool yihiin Saalax Qaasin, Seynab Cige iyo Qamar C/laahi Harawo.
Waxaa kale oo xusid mudan in Sawiradaasi lagu kala saaray dhowr qof oo ku murmay AHN Maxamuud C/laahi (Singub) oo ahaa Abwaanka Riwaayada, dad badanina u haysteen iyagoo Naanaystiisa tixraacaya inuu Sankiisu Madow yahay. Waayahaasna waxaa isimkiisu caan ku ahaa (Sangub) Hase ahaatee murankaas waxaa soo afjaray Sawirada laga qaaday.
Markaan dib ugu laabto Waayahii faneed ee AHN Cumar Xasan Rooraaye, wuxuu kasoo bilaabmayay horaantii Sanadihii Lixdamaadkii.
Waayahaasna Fanaanku wuxuu ku cada Macalin si dhab ah uga turjuma dareenka Shacabka, marka laga yimaado culumada diintana waxay ahaayeen cida 2aad ee waanadooda iyo wargelintooda umadu yar iyo weyn dhegeysato .
Geediga dheer ee Fanka AHN Cumar-Rooraaye iyo ragii ay isku waqtiga ahaayeen wuxuu kasoo bilowday, heerka uu taagnaa wacyigii siyaasadeed ee sanadihii Lixdanaadkii sida uu ahaa, iyo aragtida ay kala qabeen shacabka iyo Xubnihii siyaasiyiinta ahaa, waxaana tusaale cad inooga filan Riwaayad waayahaasi lasoo bandhigay oo uu Aktarka koowaad ka ahaa heesaha ku jirayna ay kamid ahaayeen.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews