Komishanka Doorashooyinka Jsl Oo War Cusub Kasoo Saaray Udiyaar Garowga Doorashada Madaxtooyada!
April 30, 2024 - Written by admin
Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa dadwaynaha iyo daneeyayaasha ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan doorashooyinka soo socda.
Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf, oo warbaahinta la hadlay kadib kulan ay xubnaha guddidu la yeesheen Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa bulshada iyo warbaahinta ugu baaqay in la ilaaliyo anshaxa doorashooyinka.
Waxaanu yidhi.”Doorashooyinkii ayaa loo dhaqaaqay, waxaanu rajaynaynaa dhamaan bulahada Somaliland, saxaafada in loo hoggaansamo xeerarka inoo yaala, oo koomiishanka shaqadiisa loo daayo, wixii dhib ah ee jira waxa jira qaabab aanu ula shaqayno daneeyayaasha”