berberatoday.com
Midawga Yurub oo Xayiraad Socdaalka Ah Ku Soo Rogay Shacabka Iyo Madaxda Itoobiya
May 1, 2024 - Written by admin

Midowga Yurub, ayaa shaaciyey in uu xayiraad dhinaca socodka iyo fiisaha ah kusoo rogay dadka Itoobiyaanka ah, waxaanu ku eedeeyey xukuumadda Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed inay meel kaga dhacday hab-raacyadii sharci iyo wada-shaqayntii ay la lahayd reer Yurub.

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay, in Yurub ay si ku-meelgaadh ah u joojisay inay Itoobiyaanka siiso Fiise ama dal-ku-gal, waxaanay arrintani saamayn doontaa dhamaan dadka haysta baasaboorrada Itoobiyaanka ah oo loo diidayo inay tagaan dalalka Yurub, haddii ay yihiin madax iyo shacab intaba.

Midowga Yurub ayaa war-saxaafadeedka uu soo saaray waxa uu intaa ku daray, in Itoobiya ay jabisay sharciga Yurub ee fiise-bixinta, isla markaana kasoo bixi weyday shuruudo ay dalalka Yurub isla qaateen oo lagu xidhay Itoobiya.

Itoobiya kama aanay hadal xayiraadda uu Midowga Yurub kusoo rogay dadkeeda ee dhinaca fiisaha, hase yeeshee Midowga Yurub ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya ay ku fashilantay in dadkeedu ay u hoggaansamaan shuruucda Yurub, isla markaana si sharci-darro ah ay iskaga joogaan dalalka reer galbeedka iyagoo marka hore kusoo galay fiise.

Idaacadda BBC-da ayaa sheegtay, in Itoobiyaanka haysta baasaboorada diblomaasiga ah aan iyagana la siin doonin fiisihii fasaxa, iyaga oo marka ay dalbadaan fiisaha Yurub sugi doona 15 illaa 45 maalmood oo go’aan lagaga gaadhi doono haddii loo ogolaanayo inay soo galaan dalalka Midowga Yurub iyo in kale.

Midowga Yurub waxa kale oo uu digniiin u diray dalal kale oo aan la magacaabin oo ay qiimayn ku samayn doonaan in ay iyagana sida Itoobiya oo kale ka joojiyaan inay siiyaan fiisaha dalku-galka.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews