berberatoday.com
MAXAMED X. IBRAAAHIN CIGAAL ASTAANTII SIYAASADDA GEESKA AFRIKA Geeridiisa ka hor Laba Nin oo mid sii sheegay calaamadaha Magaalada uu ku dhintay, iyo NIN KA WARAMAY GOOBTA LAGU AASI DOONO!!!!!!Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf
May 3, 2024 - Written by admin
MAXAMED X. IBRAAAHIN CIGAAL
ASTAANTII SIYAASADDA GEESKA AFRIKA
Geeridiisa ka hor Laba Nin oo mid sii sheegay calaamadaha Magaalada uu ku dhintay,
iyo NIN KA WARAMAY GOOBTA LAGU AASI DOONO!!!!!!
Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf
Waxay ahayd Galabnimo Jimce ah, meerto taariikheedku marayso 3.5.2002, madasha aanu ku suganahay waa Xaruntii Wargeyska Haatuf ee Magaalada Berbera, Xiligu waa casar Mirqaanka qayilaada iyo kulaylka Xeebtu meel aan la qiyaasi karin marayaan.
Iyadoo ikhiyaarta golaha fadhida nin waliba waayihiisa uu madaxa ku sito, xaaladuna iska degantahay. waxaa kadinka kasoo gashay Weris Dhaylaawe oo guri xafiiska Haatuf kasoo horjeeday deganayd, iyadoo aad u naxsan wejigeedana Sas qayral-caadi ahi ka muuqdo ayay tidhi waar Eedo Maxamed Xaaji Ibraahin miyuu dhintay.? Nin Colkayagii golaha fadhiyey, ayaa sare u yidhi Ma Madaxweynihii!!!! Intaanay jawaabin ayaan su’aal kale ku celiyey oo aan idhi Eedo xaggaad ka maqashay. Weris oo anfariirsan Indhaheedana ilmo kusoo taagantahay, Ayaa intay madaxa labada gacmood saartay sare u tidhi…….
“ Ilaahoow aan ubadka waaya Iminkay Jabuuti sheegaysay. Oo aan dhegehaygaa ku maqlayey…..!!! Intaa kadib maxaa dhacay !!! Weris naga tagtay oo Xaafadeedii ku noqotay.
Balse ragayagii fadhiyey qadar daqiiqado ah ayaa shib nalaga wada dhigay.…iyadoo nala moodo in danab nagu dhacay oo laydh na qabsaday, qofna aanu qof la hadlayn ragga qaarna ay si caadi ah isugu dhexdaadeen oo warka Jabuutiba lagu macneeyay been qaawan iyo inay Somaliland la col tahay.
ayaan la hadlay Nin Suxufi ah oo Hargeysa ku sugnaa waxaanu ii xaqiijiyey in warkani jiro mar dhowna lagu balansanyahay xarunta Madaxtooyada. asxaabtii aanu wada fadhinay oo su’aasha iyo jawaabta telefoonka ilbidhiqsiyada u dhexeeyey sugi la’aa ayaan warkii ku taabtay.
Hadalba gam…… markaan dib u milicsado dareenka saacadaas warkaa dhiilada leh. waxaan hubaa haduu jiri lahaa cabir lagu ogaado Noocyadda Naxdinta ee Noolaha ku dhaca, sida looga Argagaxay geerida M/weyne Cigaal qiyaasteedu inay yeelan lahayd Magac aan hore loo bixin. Intayada madashaa fadhidana kuma koobnayne caalamka Afsoomaaliga oo dhan ayay ka jirtay.
Markii la gaadhay baahintii galabnimo ee Laanta Afsoomaaliga ee Idaacada BBC-da qodobkii u horeeyey wuxuu noqday warka Dhimashada M/weynaha. Intaa kadibna Taariikhdii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo uu si tifatiran u tebinaayey Axmed Siciid Cige ayaa soo dhacay, barmaamij wakhti dheer qaaday ayaanay ka diyaarisay.
Saacadaa wixii ka dambeeyayna waxaa is qabsaday oo aad loogu mashquulay qoraalada tacsida ah ee idaacada soo gaadhaayey.
Warka Dhimashada M/weyne Cigaal waxa kale oo si cajiib ah u baahiyay Qaybaha Afafka qalaad ee Idaacadaas, warbaahin badan oo heer caalamina ahina kasii xigteen.iyadoo sharaxaad badan laga bixiyey heerka uu gaadhsiiyey Somaliland mudadii uu M/weynaha ka ahaa oo Maamul wax badan u suurtageliyey ka hanaqaaday. Inkastoo aanay ictiraaf ka helin Beesha Caalamka.
Hadaba Geeridu waa xaq Nafwaliba dhadhamin doonto sida diinteenu inoo sheegtay, balse shakhsi kasta oo dunida ka dheelmada waxaa ka hadha Taariikh aan dhiman,
Xaqiiqa ahaana Geerida AHN M/weyne Cigaal waxay ahayd mid ay dhamaanba dadka afsoomaaliga ku hadla meel kastoo ay joogaanba ka wada nixisay, inkastoo uu jiray xanuun sanadihii u dambeeyay ka muuqday, si weyna looga dareemayey, miisaankiisuna aad hoos ugu dhacay iyo Jilbo-xanuun socodku iyo fuulista salaamadu ku adkayd.
25.4.2002 ayaa Xaalad caafimaad loo dhigay Cisbitaal Meleteri oo ku yaalay Magaalada Pretoria ee Dalka S. Africa. AHN M/weyne Cigaal oo intuu uu ku sugnaa Cisbitaalkii South Afrika, isagoo nool war been abuur ah laga baahiyey laguna sheegay inuu geeriyooday, waxa toos ula xidhiidhay BBC-da waxaanu beeniyey jiritaanka warkaas iyadoo hadalkiisa uu ka muuqday Caafimaad-qab, xaaladiisana wuxuu ku sheegay inay aad u wacantahay. Balse laba maalmood kadib ayaa warka geeridu soo dhacay.
Hadaba markii la xaqiijiyey Geerida AHN Cigaal, guud ahaanba geyiga Somaliland waxaa ka muuqaday xaalad aan caadi ahayn, sawirka guud ee ayaantaasina muuqaal aamusan oo qof waliba goonidiisa uga fekerayo sida wax noqon doonaan ayaa taagnayd.
Walaac ku saabsan muranka siyaasada ee xiliyadaa jiray iyo inuu sababi karo qarax gacanta laysula tago ,ayaa dad badan maskaxdooda ka guuxaysay. Waa marka la qiimeeyo halka ay kala taagnaayeen danleyda siyaasadda oo xifaalatanka iyo gujada u dhexaysay aan waxba isula hadhin .
Intii lagu gudajiray baroordiiqda geerida AHN M/weyne Cigaal waxaa warbaahinta si weyn u qabsaday dhambaalada tacsida ah ee ka imanaayey dacalada iyo daafaha caalamka, madax iyo masuuliyiin heer caalami ah, shaqsiyaad badan oo Magac ku leh Dadka afsoomaaliga ku hadla ayaana ugu duceeyey in Alle naxariistii jano ka waraabiyo Marxuumka shacbiga Somaliland samir iyo iimaan ka siiyo.
Hadaba intaanan u gudbin Faahfaahinta dhacdooyin badan oo ku saabsan, wixii aan ka ogaa ama aan uga soo joogay AHN Maxamed X.Ibraahin Cigaal. Waxaa jirta dhacdo aan weli xusuustayda ka bixin oo ku saabsan markii iigu horaysay ee aan indhaha saaro AHN Maxamed X.Ibraahin.
Waa badhtamihii Sanadkii 1983kii iyo Dukaan ku yaalay Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho waxaanu ka koobnaa dhowr meheradood cida iska lahaydna waa qoyska Wiil aanu isku fasal ahayn, oo Caraba laguna magacaabi jiray Maxamed Cabdalla Maxamed.
Qayb kamid ah waxaa aad looga iibsan jiray, Jaraa’idka carabiga iyo Ingiriisiga Bilaha Iskuulku fasaxa yahay ayaan aad ugu badnaa oo aanu Dumnad ku ciyaari jirnay,
Dadka macmiisha ah ee Jaraa’idkaas qaata, ayaanu kamid ahaa Maxamed X.Ibraahin Cigaal, sida badana Odayga meherada leh mooyaane cid kale may wada hadli jirin.oo saacadaha qaar ay af-carabi wax isugu sheegaan.
Waayahaasna wax badan kalamaan socon siyaasada Soomaalida iyo Jileyaasheedii, balse xili dambe oo ku beegan 1985kii ayaan Habeen daawaday Telefishinkii Soomaaliya war ku saabsan Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo qaabilay wefti maalqabeeno carbeeda.
Masuulka hadlaya ee Afcarabiga ku khudbadeynayaa waaba odaygii aan ku arki jiray Dukaankii Baaba Cabdalla ee Xamar-weyne. oo marka uu dukaankaas yimaado Lebiskiisu u badnaa Shaadh gacmo-dheera, Macawis G’o shaal ah iyo Koofiyad kuwan Ragan dambe badhaysiga ka dhigeen oo markaa qaali ahayd.
Xafladan uu TV-ga baahinayona Isku joog Safaari ah ayuu ku gaadhan yahay, Allaah haw naxariistee Aabahay oo meel ii dhow fadhiyey ayaa Nin ay saaxiib ahaayeen oo Tvga nala daawanaayey ku yidhi Cajiib Ina Xaaji Ibraahin Cigaal waa sidii uu Lixdankii ahaa, odayga kale oo Siciid la odhan jiray kana tirsanaa Wasaaradda Maaliyada ayaa AHN Aabahay ku yidhi Ninkani (Cigaal) waa Weli (Awliyo) miyaanad arkayn Nuurka iyo dhalaalka wejigiisa ka muuqda. berigaa aad sheegayso iminkuu ka da’yar yahay.
Anigoon ka dhexgalin labada oday Ninkan ay iska waraysanayaan, xaqiiqa ahaan aan waxba ka aqoon Cigaal iyo waayahiisa, ayaan go’aansaday inaan warkiisa raadiyo.
Wax hadal ah kumaan darsan Odayaasha, manaan soo qaadin halkii aan ku arkay Balse maalin dambe oo aanu is aragnay Nin Dukaanka shaqaale ka ahaa oo Jacfar la odhan jiray, ayaan weydiiyey odaygii g’o shaalka ah lebisan jiray ee Jaraa’idka NEWS-WEEK ta iibsan jiray warkiisa.
intuu si aad ah u qoslay ayuu yidhi “Ninkaan waagii hore somaliya dhan uu madax ka ahaa”. Mudo ka dib oo ku beegnayd horaantii 1986kii ayaan markale maqlay in 1980kii Xukuumadii MSBare kaalmo militeri weydiisatay Dalka Maraykanka.
Laakiin waxaa shardi lagaga dhigay inuu xabsiga kasii daayo Maxamed X.Ibraahin Cigaal. Ninka sheekada noo werinaayey oo shaqaale ka ahaa Safaaradii Maraykanka ee Muqdisho wuxuu si balaadhan u sharaxay taariikhdii Siyaasadda ee Cigaal. Inkastoo ay iidheh badani ku jirtay warkiisa.
Hadaba Intaanan ka warbixin qaabkii uu u dhacay Aaska M/weynaha waxaa jiray Laba dhacdo oo aan goobjoog u ahaa mid walbana Markhaatigeedii hadda Noolyahay taasoo ku saabsan Geerida AHN Maxamed X.Ibraahin, arinta hore waxay ahayd bishii Oktoobar ee Sanadkii 1999kii oo aan ka tirsanaa Wargeyskii JAMHUURIYA. M/weyne Cigaal iyo wefti uu hogaaminayey ayaana booqday dalka Maraykanka. dhalinyaro reer Somaliland ah oo ku sugnayd Dalkaasi Maraykanka ayaa lasoo xidhiidhay Faysal Cali Sheekh. Waxaanay u sheegeen Telefoonka laga heli karo M/weyne Cigaal. Inkastoo aanay suurtagelin inaanu waraysi la yeelano.
Balse waxaa JAMHUURIYA helay war kale oo ku saabsan kulan dhexmaray Jaaliyadda Reer Somaliland ee halkaas ku dhaqan iyo Weftiga Cigaal oo su’aalo badan la weydiiyey.
Hadaba subaxnimadii iyadoo aanu joogno Xaruntii Shirkadda NPP ee soo saari jirtay Wargeysyadda Jamhuuriya iyo The Republican. Aniga iyo Maareeye Faysal Cali Sheekh. Waxaa xafiiska noogu soo galay Nin aan Wejigiisa garanayo balse aanan Magaciisa aqoon.
Qisadii Telefoonkii xalay JAMHUURIYA kula xidhiidhay iyo sida ay lama filaanka ugu noqotay Cigaal ayaanu isla soo qaadnay, iyadoo Sheekadii Socoto ayaa waxaa Noosoo galay Nin u muuqday Suufi markuu cabaar sheekadii Dhegeystay ayuu meel kale noola dhaqaaqay, waxaanu yidhi Horta Ninkaa Ina Cigaal Iga walaan Nin Siyaasad kula tartamaa waxba ka qaadayn.
Laakiin Magaalo dadka ku Nooli cadaan iyo Madow isugu jiraan buu ku dhimanayaa. Toloow ma Dirirdhabaa. Intaa markuu yidhi ayuu iska tegay. balse Ninkii kale ee ay Faysal Cali Sheekh is garanayeen bay kasoo dhacday dadka noocan ahi waxay sheegaan mararbaa la arkaa. Markaan dib u xusuustona. magaalada Pritoria eek u dhintay M/weyne Cigaal waxaa ku wada dhaqan Dad Midabkoodu cadaan iyo madowba ka kooban yahay.
Mar kalena bishii sadexaad ee 2002. Aniga iyo Nin aanu Saaxiib nahay oo ka mid dhalinta Aqoonyahanka ah ee ka hawl-gala ha’yadda Wadaniga ah ee GAVO oo lagu Magacabo Maxamuud Aadan Haybe (Cigaal) waxaa goor subax ah Makhaayad aanu fadhinay oo ku taala Magaalada Berbera, Noogu yimi Ninkii Caanka ahaa ee AHN Cumar Aadan Cabdile oo (Cumar-Asqo) lagu naanaysi jiray inkastoo uu ahaa Nin Xanuun xagga Maskaxda ahi hayey, balse Sheekadiisa iyo markuu dadka u waramaayo hadal macno weyn oo la fahmo ayuu odhan jiray.
Waxaanu Subaxdaas ka waramay inuu ku riyooday iyadoo banaankaa Xeradda Guutada ee Berbera Somalilandba siday u dhamayd isugu timi oo Dadkuba wada barooranayo, oo la leeyahay Maxamed X.Ibraahin baa dhintay, oo markii lasoo dareerayna hadalkii aan sii maqlaayey waxaa kamid ahaa dumar lahaa Waa aduunyo waataa Ina Cigaalba halkaa cidlada ah lagaga Yimi.
Sheekadaas AHN Cumar-Asqo waxa kaluu u sheegay Nin Taliye ka ahaa Laanta Socdaalka ee Berbera oo Jidhif la odhan jiray……
MUCJISADII KA DHACDAY MADASHII AASKA ISBEDELKII CIMILADDA. GAADIID 10 KUN OO GAADHI KOR U DHAAFAY SI NABAD AHNA U YIMI/KANA BAXAY MAGAALADA, IYADOON XARIIQI GAADHIN, IN KA BADAN 360.000 Qof OO GOOBJOOG AHAA, ILMADII KA DAREERTAY INTII AY ISUGU FOGAAYEEN, SALAANTII KAL IYO LAAB U DHEXMARTAY COLKII DEERADU DHEXMIRANAYSAY.
KALA SOCO QORMADA XIGTA………..

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews