Xukumada Somaliland Oo Sheegtay Inaanay Ciidamada Turkigu Soo Gali Karin Xeebaha Biyaha Bada Somaliland
May 6, 2024 - Written by admin
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee JSL Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in maraakiibta dagaal ee Turkigu aanay iman karin xeebaha Somaliland.
Wasiir Ciise Keyd wuxuu bayaamiyay inay Turkiga u sheegeen in aanu soo geli karin xeebaha Somaliland.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland wuu xusay in Turkugu ogyahay in Jamhuuriyadda Somaliland u taliso xeebteeda oo aanay Soomaaliya xukumin.