Madaxwaynaha Jsl Xilkii ka Qaaday Gudoomiyihii Gobolka Togdheer, Una Magacaabay Masuul Hore Usoo Qabtay Xilkan.
May 14, 2024 - Written by admin
Wareegto Madaxweyne 13.05.2024
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Togdheer, kuna magacaabay masuul cusub.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
Ku: Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale;
Guddoomiyihii Gobolka Togdheer
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.