Shirkii Golaha Wasiirada Jsl Oo Lagu Meelmariyay Gobolnimada Gabiley Iyo Kor Qaadista Darajada Degmooyinka Dalka Qaar
May 14, 2024 - Written by admin
Fadhigii 128aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo qabsoomay maanta oo isniin ah, taariikhduna tahay 13-05-2024 oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), islamarkaana munaasibadda xuska 18 May awgeed looga soo hormariyey maalintiisi ayaa lagu lafo-guray gobolnimada Gabiley iyo kor-u-qaadista derajooyinka degmooyinka dalka qaar ka mida.

