Hogaanka Sare Ee Xisbi Xaakimka Kulmiye Oo Kulan Deg Deg Ah Yeeshay Iyo Arimaha Lagaga Hadlay!
May 26, 2024 - Written by admin
Hoggaanka sare ee xisbiga haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa shir muhiim ah yeeshay maanta (25 May 2024).
Kulankan oo uu shirguddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Daakhiliga dalka, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed oo ay ku wehelinayeen xubnaha hoggaanka xisbigu, waxa lagaga wadahadlay qodobo la xidhiidha u diyaar-garowga doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda, kuwaas oo ay ugu mudnaayeen; daadejinta qorsheyaasha xisbiga KULMIYE u dhigay inuu ku galo doorashooyinka iyo xoojinta abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga ee heer qaran ilaa mid degmo.