Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye oo Kulan La Qaatay Ururada Bulshada Rayidka Ah
May 30, 2024 - Written by admin
Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa kulan la qaatay madaxda ururrada bulshada rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta.
Shirka oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee Caasimada Hargeysa, waxa labada dhinac kaga wada hadleen doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee u muddaysan 13k bisha Nov 2024 iyo doorka ay ururrada bulshadu ku yeelanayaan.