Mashruucii Dib Udhiska Guryaha Xabaalo Tumaalo oo Fashilmay Iyo Shirkada Gacanta Kuhaysa Musuqmaasuqii Ugu Weynaa Ku Kacday
June 3, 2024 - Written by admin
Mashruucii dib udhiska guryaha Xabaalo Tumaalo oo haayada bisha cas ee Imaaraatku kusoo bixisay lacag boqolaal kuna oo dollar ah oo fashilmay.
Muuqaalkani wuxu ina tusayaa shirkada Mashruuca soo qaadatay oo reer Hargeysa ahi inay qaab caamaysa ah udhisayso guryihii halkii qori cas jiigada musbaarka uqabta la saari lahaa waxay saaraysaa qori baxarasaaf ah oo dhuudhuuban oo xargalayo marka musbaarka lagu garaacana kala dilaacaya suday sheegeen dadka Aqoonta uleh dhusmayaashu.
Odayaasha deegaanka oo muuqaalkani ila soo wadaagay ayaa sheegay inay arintaas kasoo horjeedaan diidanyihiina in qaabkan khiyaamada Ah loola macaanilo guryaha dhismohoodii loo musuqo iyagoo sheegay in deegaankani yahay xeeb dabeyl xagaa ba.ani ka dhacday qori dhuuban oo baxarasaafi ahina aanu haynay jiingada dhibaatona ka iman doonto oo kolkay dabeyshu qaado jiingada waxyeelo ugeysan doonto dadka iyo duunyadaba.
Waxa xusud mudan in mashruucan ay hore Ubilawday haayada Alnakhiil Foundation lacag Dayn ahna usheeganayso haayada Bisha Cas ee Inaaraatka inay kaga naqantahay dacwadina udhaxayso iyadoon waxaba Lagala socod siina dib Udhis lagu bilaabay.
Odayaasha Deegaanka ayaa Waxay sheegeen inay ka hadli doonaan oo baaq udiri doonaan haayada bisha cas ee Imaaraatka Maamulada Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera.
Musuqmaasuqan lagu sameeyay guryahan ayaa waxa lala xidhiidhinayaa inay gacan ku leeyihiin Madaxda sare ee haayada bisha cas ee Imaaraatka carabta.
Hadiyo jeer mashaariicda hasyaduhu soo bixiyaan Ayaa la musuqmaasuqaa hadaanay dadka loo Fulinayaa ka digtoonaan.