berberatoday.com
“ILAAHAY HAKULA KORIYO AGOONTA HANA KA DHIGO, KUWII KU ANFACO OO XAJKA KU GEEYO. 2004 – 2024” W/Q Cabdilaahi Aadan Birta
June 24, 2024 - Written by admin
“ILAAHAY HAKULA KORIYO AGOONTA HANA KA DHIGO, KUWII KU ANFACO OO XAJKA KU GEEYO. 2004 – 2024” W/Q Cabdilaahi Aadan Birta
Sanadku waa 2004, waa xilli maqrib ah Waxaan ka imid Masaajidka Sh Cali Suufi oo Cashar qur’an oo la iga rabay kusoo jilcinaayay, markii aan Ganjeelka soo dhaafay, ayay qolkii ku beegnaa Albaabka weyn kasoo baxday hooyo oo ilmaynaysa, waxay markaas dhigtay Taleefan Lind-line ah, oo ay ku hadlaysay, Waxaa loosoo sheegay Geerida Aabe, [Aabe wuxuu xilligaas ku maqnaa Nairobi, oo xaalad Caafimaad halkaas loogu qaaday] waxay damacday inay dareenkaas naga qariso, ilmada indhaheeda ka qubanaysa ayaase been tiri waxkasta oo ay damacsaneed.
Hinraagga laabteeda ka hugmaaya, ayay hadal oo dhan la tahli waysay, durbadiiba waxaan yaqiinsaday inay Aabe tiisa noqotay, intaan hooyo dhaafay, ayaan qol cidla ahaa, isku soo xiray, da’a yaraantaydi ayay oohin inta iga dhamaatay, Sariirti aan Saarnaa hurdo kula dhacay, Waxaan soo kacay iyadoo waagu dillaacay, oo la ileeyahay quraco, Macalinkii Dugsiga oo aan aad oga cabsan jiray, ayaan xusuustayda kusoo noqnoqonaayay sida uu iga yeeli doono Saakay maadaama aan aad u daahay, aniga oo Cabsanaayo ayaan dugsigii u dhaqaaqay, markii aan galay ayuu Macalimkii inta gacanta isoo qabtay igu yiri, Fasax ayaad tahay hooyana waraaqdaas u gee, (Waraaqda waxaa ku qornaa tacsi iyo inan ilmaha agoonta ah, maanta laga bilaabo wax lacag ah laga rabin, Macalinkayga wuxuu ahaa, reer Hiiraan waxaana la oran jiray, Macalin Cali, [Allaha Barakeeyee] wuxuu dhigi jiray Dugsi la yiraahdo Al-Aqsaa, Kasoo horjeedka Iskuulka Imaamu Shaafici, Masjidka Cali Suufi agtiisa, Mana garanaayo, Qaxii Ethiopianka kadib meel uu ku dambeeyay), waxaan imid Guriga, oo ay buuxdhaafiyeen dad u yimid tacsida Aabe, waxan ka xusuustaa inay la haayeen, Luuleey ilaahay Agoonta hakula koriyo, hana kaaga dhigo kuwii Xajka eebe ku geeyo.
Si gaar ah ayaan aniga u Hooyo Jeclaa oo marwalba hooyo ayaan Faraqa/Tafta maraddeeda heysan jiray, qofkasta oo na arkaana wuxuu ku oran jiray Allaha kula koriyo hana ka yeelo midkii Xajka ku geeyo.
Ereygaas maalintii aan Guntay ilaa maanta oo eebe ii rumeeyay, Waxaan Alle ka baryi jiray inuu Alle igu simo anigoo Hooyo Xajka geeyay.
20 Sano kadib, waa ikan aniga oo Alle igu simay inan hooyo Soo xajisiiyo, Welibana ay i haysato Gacanti aan anigoo yar ku qabsan jiray, ilaahoow hooyo kasta oo Duruuf adag ilmaheeda kusoo korisay, Aduunkana ogu Abaal gud, Aakharadana Jannee.

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews