berberatoday.com
Anwar Cabdiraxmaan Warsame Gudoomiyaha Dalada Guud ee Ururada Aan Dawliga Aheyn ee SONSAF Somaliland oo Fariin Waayeelnimo Iyo Talooyin Usoo Jiidiyay Ardayda Itxaanka Shahaadiga Ah Ku Jirta
June 26, 2024 - Written by admin
“Ardaynimadu waxa sal u ah dhaqan wanaagsan, dedaal iyo u heelanaan in ardaygu aqoon iyo cilmi korodhsado. Ardaynimadu waa halgan iyo hayaan dheer oo ubadku maraan si ay noloshooda horumar u gaadhsiiyaan, mustaqbal ifayana u ibo furaan.
Imtixaanaadka waxa loogu talo-galay in ardayga lagu qiimeeyo heerkiisa aqooneed iyo si ay u kala soocnaadaan ardayda marwalba ku fogaan aqoon iyo weelaynteed, iyo kuwa loofaray ee hawadooda raacay, kuna mashquulay dhalanteedka baraha bulshada.
Waxa aan waalid ahaan ardayda guud ahaan ku waaninayaa in ay maanta dhalaannimadooda ku mashquuliyaan dhigasho iyo dhigaal akhrin, si waayeelnimadooda waayuhu u wiiqin.
Fariimaha iyo muuqaalada maanta ka soo baxaya ardayda uu u socdo imtixaanaadka shahaadiga ahi, ma aha kuwo garawshiyo helaya, xaqiiq ahaan waaba dhiilo iyo anfariir in ardaydu ku dooddo imtixaan baa adkaaday oo dibad-baxyo ayaanu samaynaynaa iyo in macalimiin loo dhibaateeyo maxaad ilaalada iyo kormeerka nooga khafiifin wayday.
Waxa iyana marwalba Wasaaradda waxbarashada waajib ka saaranyahay in ay tayayso aqoonta ardayda, kusoo kala shaandhayso ardayda meel hore, islamarkaana la hubiyo in aan waxbarashada la ganacsiyayn.
Waxa Qoray Gudoomiyaha Dalada Guud ee Ururada Aan Dawliga Aheyn ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews