berberatoday.com
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Cafis Ufidiyay Maxaabiista Dambiyada Fudud Uxukuman ee Kujira Xabsiyada Somaliland
July 6, 2024 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka 1446-ka awgii.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;
Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;
Markaan Tixgaliyey: War-bixinta Taliyaha Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/233/2024, kuna taariikhaysan 01/07/2024;
Markaan Arkay: Qoraalka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ujeeddadiisu tahay Soo-jeedin Cafis Guud, summaddiisuna tahay XIG/JSL/265/2024, kuna taariikhaysan 06/07/2024;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;
Waxaan Go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 377 (Saddex Boqol iyo Toddoba iyo Toddobaatan) maxbuus, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka ee 1446 awgeed. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.
Allaa Mahad Leh
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
May be an image of 1 person, dais and newsroom

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews