Maxamyd Xaashi oo Ka Hadlay Isbaahaysiga Ururkii Kaah Iyo Xisbiga Wadani Iyo Midhaha Ka Dhalan Kara
July 11, 2024 - Written by admin
“Eebbe mahaddii saaka waxa aan goobjoog ka noqonay, aniga iyo qaar ka mid ah hoggaanka Urur-siyaasaddeedka KAAH, ibofurka iyo u wanqalka heshiiska iskaashiga doorashooyinka ee Isbahaysiga mucaaridka ah ee Urur-siyaasaddeedka KAAH iyo Xisbiga Waddani.
Iskaashigani waxa uu horseedayaa in labada dhinac ay geeddi midaysan ku waajahaan mawjadaha doorashooyinka ee inagu soo aaddan.
Waxa aanu magacawnay guddi farsamo oo u daadegi doonta nuxurka heshiiska, hawshooduna bilaabmi doonto sabtida.
Taageerayaasha Urur-siyaasaddeedka KAAH waxa aan leeyahay waxa aad dhowaan naga maqli doontaan war weyn iyo filasho aad u saraysa, oo u qalanta meeqaamka Ururkeenna iyo taageeradiina nafhurka leh.
Waxa Qoray Gudoomiye Maxamud Xaashi Cabdi