berberatoday.com
Xildhibaan Faarax Macalin oo Laga Saaray Xisbigii Kenyanka Ahaa uu Gudoomiye Kuxigeenka Ka Ahaa Kadib Markuu Ku Dhawaaqay Hadalo Shacabka Dalkaas Kala Fogaynaya
July 11, 2024 - Written by admin
Xildhibaan Faarax Macalin oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya, lagana soo doortay deegaanka Dhadhaab ayaa laga saaray xisbigii uu Guddoomiye kuxigeenka ka ahaa ee Democratic Movement, kadib markii uu hadal xamaasad dhaliyay uu ka sheegay warbaahinta isagoo naqdiyay dadka shacabka ah ee muddooyinkii u dambeeyay mudaharaadyada ka dhigayey Kenya oo uu tilmaamay inuu layn lahaa haddii uu madaxweyne ka ahaan lahaa dalkaas.
Guddida fulinta ee xisbiga Democratic Movement oo uu guddoominayey hoggaamiyaha xisbigaas Mr. Kalonzo Musyoka ayaa soo saaray galabta in Faarax Macalin dibadda laga dhigay xisbigaas, lagana qaaday xilkii guddoomiye ku-xigeenka ee uu ka hayey. Waxaanu xisbigiisii iska baraxay in aanay la qabin aflagaadadii iyo hadalladii uu ku cambaareeyay dhallinyarada Kenya.
Waxa kaloo Democratic Movement shaaciyeen in sidoo kale laga saaray Faarax Macalin dhammaan xubinimadii guddiyada kala duwan ee baarlamaanka Kenya ee uu ku metalayey xisbigooda.
Faarax Macalin oo ah siyaasi caadifi ah ayuu go’aankani ku noqonayaa weji gabixii ugu weynaa ee soo foodsaara, waxana hadalkii ka soo yeedhay uu damqay dareenka dadweynaha reer Kenya oo ka dhiidhiyay cadaawada xildhibaankaasi u hayo ummadda reer Kenya.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews