berberatoday.com
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo Gargaar Caafimaad loola Cararay Dalka Faransiiska
July 16, 2024 - Written by admin
Warar aan si rasmi ah loo shaacin xaga dawlada Djbouti ayaa sheegaya in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele loo qaaday dalka Faransiiska, siiba caasimadiisa Paris. Warar aan ka helayo xogo ku xidhan Djibouti waxa ay sheegayaan in xaalad caafimaad oo hore loogu ogaa balse wax ku soo kordheen darteed dalka Faransiiska loola caray subaxnimadii hore ee Sabtidii.
Warkan oo aanay dawlada Djibouti xageeda laga shaacin, ayaa xoguhu sheegayaan in sanadkii 2016kii laga helay xaalad saamaysay wadnaha madaxweyne Geele oo hadda dadiisu yahay qiyaastii 77 jir ay u dheertahay xaalado caafimaad oo uu la nool yahay.
Ma jiro wax warkan faafaahinaya, hase ahaatee haddii ay jirto xaaladiisu waxa ay ku soo hagaagtay xili uu aloosay colaad siyaasadeed oo uu kula dagaalamayo JSL, isagoo diidan in Itoobiya iyo dalal kaleba aqoonsadaan JSL iyo hesiishka wali aan saani loo saxeenin ee MoU Itoobiya iyo Somaliland.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa bilaha ay Djibouti ugu kulushahay waxa uu u baxaa magaalooyinka Diri Dhaba oo ah halkii uu ku dhashay ama dalalka Yurub, sida France oo ah halka uu ku leeyahay hanti guryo ah. Sidaa awgeed lama hubo in warka xaaladiisa caafimaad ay tahay mid sax ah.
Ismaacii Cumar Geele waxa uu dalka Djibouti xukumayey mudo 25 sano ah, waana madaxweynihii labaad ee dalka Djibouti yeesho, mudada uu xorta ahaa oo ah ee 47 sano ah. Haddii ay tiisa noqoto lama hubo cida badalaysa, waxase jira warar sheegaya in uu wiilkiisa ugu weyn caruuta uu u diyaariyey in uu badalo, inkastoo aan la hubin sida Reer Djibouti u aqbali doonaan, maadaama ay qosyku ku raageen xilka dalka oo 47 kaa sanoba hal qoys ka talinayey dalka Djibouti

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews