HYDERABAD IYO XABAALAHA SOOMAALIDA”WAXA QORAY MAXAMED SHUGRI JAAMAC
July 25, 2024 - Written by admin
HYDERABAD IYO XABAALAHA SOOMAALIDA !!!
—————————————————————————
Intaanan gudo gelin xogta iyo laab-xagashada carineysa dareenka iyo dibnaha, aan gogolxaadh uga dhigo IL-mugeed oo ku saabsan taariikhda magaaladan Xaydar -abaad.
• Waxa aasaasay boqor Muslima oo la odhan jirey Maxamed Cali Qutub Shaah hilaadii 1591, xiligaas oo muslimku ka talin jirey dalweynihii laysku odhan jirey Hindiya ,( India, Pakistan iyo Bangaaladheesh-ta) manta.
• Waxay xiligaaba caan ku ahayd aqoonta
caafimaad oo ay ku horumarsaneyd.
• Waa magaalada 5aad ee ugu weyn dalka Hindiya iyo magaalada 6aad ee ugu dad badan, 10 malyan siday sheegayso tirokoob la qaaday 2014, xig- Aljazeera, ( 69% Hindoos, 27% muslim, 3% Cristian iyo 1% others), waa tiro ka badan sideed magaalo madax oo Soomaalidu leeyihiin.
• Waa caasimada gobolka Andhra Paradesh, koonfur Hindiya.
• Luqada koowaad TELUGU, qaar kalena waa jiraan.
• Heer kulka xiliga xagaaga 20—40 degree, xiliga Jiilaalka 12—20 degree, waa heerkul qofka Soomaaliyeed damaq ku ah labada jeerba.
• Waxay ku tiirsantay wax soo saarka beeraha iyo aqoonta farsamo ee dadkeedu leeyihiin, (Skilled people).
Xaydar-abaad iyo xogteeedii intaa hadaan ku ekeeyo, aan usoo gondo dego cinwaanka qoraalka iyo bar bilawgiisa.
Maxaa i xadanteeyey?.
Marka hore caawa ku afar ayaan joogaa, waxaanan u imi dan caafimaad oo xaaskayga ah, soona duceeya.
Xalay fiidkii ayaa laygu wargeliyey ruux dumara oo sida xaaskayga caafimaad loo keenay oo geeriyootay, reer Hargeysa ah.
Abaaro 12.00 habeenimo ayaanu gaadhnay xabaalii oo maagaalada ka baxsanaa.
Intii xabaasha la diyaarinayey waxaan u jeestey xabaalaha marxuumadu ay la darsi doonto oo u habeysan si ka kooban oo ka duwan sideena, waxa la koobay inta qofka lagu aasayo, dhinac walba, wax gabood falana kama dheehan koobnaanta darteed, sidan ayaaba ila haboon.
Xabaal kasta waxa si kooban oo hadana aad u muuqata loogu qoray magaca qofka, Jinsiyadiisa iyo taariikhda uu geeriyooday.
Laynkii koowaad ayaan isha mariyey oo ka koobnaa dhawr iyo toban xabaalood, laba mooyee inta kale waa Soomaali, magac dumar u badan, labada magac ee kale waxay ahaayeen Soodaani iyo Yamani.
Haddan sii dhexgalay xabaalii dadka meesha ku aasani 95% waa Soomaali, waxa kale oo ragii aanu wada soconay ii sheegeen in xabaalahani cusub yihiin oo xiligii Corona Viras ka la bilaabay, waxa kale oo lay sheegay in fiisayaasha oo xidhnaa imika dadka lagu aasaa aad ugu yar yahay sidii hore, laakiin xalay laba dumara ayaa lagu aasay, habeenada qaarna 3 qof ayaa lagu asaa.
Tirikoobka dadka ku aasan layma sheegin anna ma weydiin laakiin waxa lay sheegay in ay buuxsamayaan dhawaan loona baahan yahay in dhul kaloo ku xiga loo iibiyo, wadahadalna ka dhex socdo cida dhulka leh Jaaliyada muslimka.
Dhulkaasi 15,000 ilaa 20,000 sqm ayuu ila ahaa il ka cabirkaygii, habeenna wey ahayd.
Dadkaasi 99% waxay u dhintaan cudurka Kansarka ( Cancer).
Waxaa xagashada sii damqaya, dadkaasi iyaga oo xiligii daaweynta dhaafay oo (last stage) kii maraya ayey yimaadaan, sida labaadaa dumara ee xalay god-galay.
Waxa lay sheegay in kharashka qofka ku baxaa celcelis ahaan noqdo 20,000$ (labaatan kun oo doolar), anigase waa igala badanyey oo iyada oo aan weli xaaska loo bilaabin daawadii hadana kharashku baxay waa intaa badhkeed, waxaanay qaadan doontaa mudada daaweyntu sida naloo sheegay lix bilood ilaa sanad.
Waxa xusid mudan baylahda dadka Soomaaliyeed ee caafimaad doonka ahi halkan uun maahee waa Allaha weyn oo keli ah ayey u tirsantay
Su’aalahan ayaa maan gilgil iyo mooraal xumo igu haya, jawaabana u baahan.
1. Masuuliyada baylahdaa yaa leh, oo Aakhiro iyo aduunba ay saarantay?.
2. Goob lagula tacaalo xanuunkaa ( Canser clinic) miyaan laga sameyn karin, ugu yaraan caasimad ku sheegyada Soomaalida laba ka mida?
3. Marka maalintii celcelis ahaan 2 qof dhintaan, maxaynu ku qiyaasnaa dadka bukaan socod amba bukaan jiif magaalada u jooga?
4. Dhaqaalaha ku baxaa intuu leeg yahay?
5. Haddii adeegaa dalka laga helilahaa intee aduuna ayaa qofka iyo dalkaba u baaqan lahayd?
6. Haddii dadka inta Daawada, ujuurada Diktoorka iyo shay-baadhada laga qaadi lahaa miyaanu gacacsi ahaan Hospitalkaasi ka faa’iido bateen ganacsiyo badan oo gamashiyey?
BAAQAYGA;
Ku Xukuumadaha Soomaalida, Mihnadlayaasha caafimaadka iyo ganacsatada Soomaaliyeed, fadhiga halaga kaco, oo dadkaa jidkaa dheer iyo xabaashaa faataxadii ehelka iyo asxaabta ka fogaatay, hala dareemo masuuliyada idinka saaran, iyo waajibka ifinku gedaaman.
Allahayaw ma gaadhsiiyey.
Maxamed Shukri Jaamac.