Nin Shacab Ah oo Qori Ak 47 Ah Ku Hubaysan oo Dhaawac Ugeystay Taliyihii Rugta Ciidanka Booliska Dawlada Hoose ee Berbera
July 30, 2024 - Written by admin
Nin shacab ah oo ku hubaysan qori AK 47 ah ayaa habeenkii xalay rasaas uu ku dhawaacay Taliyihii rugta Booliska ee dawlada hoose ee Berbera Cali Xuseen.
Taliyaha ayaa waxa dhaawac kasoo gaadhay laba xabadood oo kaga dhacay Garabka iyo gacantu halkay iska galaan waxaana lasoo gaadhsiiyay Cisbataalka guud ee Berbera halkaas oo xaaladiisa Lagula tacaalayay hase yeeshee markii dambe loo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa kadib markii dhaawaciisu cuslaaday.
Eeddaysanaha rasaatsta ku dhawaacay Taliyaha oo lagu magacaabo Siciid Ayax ayaa goobta uu falka ka gaystay oo ahayd geerash ka baxsaday ilaa hadana aan la ahayn meel uu ku suganyahay waxaana Baadi goob ugu jira Ciidanka Booliska Gobolka Saaxil.