berberatoday.com
Hoggaamiyihii Sare ee Xamaas Ismaaciil Haniyah oo Iran Lagu Dilay Sida Xamaas Ay Sheegtay
July 31, 2024 - Written by admin

Dilka sarkaal hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa waxaa loo adeegsaday gantaal la hagayay oo lala beegsaday xilli uu ku sugnaa hoygiisa gaarka ah ee Tehran, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka soo baxay Sacuudiga oo ay heshay warbaahint Al Hadath

Warbaahintaan ayaa ku warameysa in gantaalku uu ku dhacay dhismaha abbaare 2:00 xiliga maxaliga ah

Fars news, oo xiriir la leh ilaalada kacaanka Iran, ayaa sidoo kale sheegaysa in Haniyah uu ku sugnaa guri ay daganaayeen dagaalyahanno kale, waxaana lagu dilay “madfac hawada ka yimid”.

Dowladda Qadar oo dilka Ismaaciil Haniyah ku tilmaantay “dambi aad u fool xun”

Waxaan wali isa soo taraya falcelinta ku saabsan dhimashada Haniyah.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa ku tilmaantay “dambi aad u fool xun, koror halis ah iyo xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo kuwa bini’aadantinimada”.

Waxay ka digtay in “dilkan iyo hab-dhaqanka taxaddar la’aanta ah ee Israa’iil ee sida joogtada ah u bartilmaameedsanaysa dadka rayidka ah ay horseedi doonto in gobolka uu galo fowdo ayna wiiqdo fursadaha nabadda”.Israa’iil weli kama aysan jawaabin dhimashada.

Ruushka iyo Turkigu maxay ka yiraahdeen dilka Haniyah ee Iran ka dhacay?

Waxaan hadda soo baxaya falcelinno kala duwan oo ka imaanaya dalal uu ka mid yahay Ruushka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dilka Haniyah ku tilmaantay “dil siyaasadeed oo aan gebi ahaanba la aqbali karin”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Ria.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Mikhail Bogdanov, ayaa sheegay in dhimashada hoggaamiyaha Xamaas “ay horseedi doonto xiisad hor leh”.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale cambaareysay wax ay ku tilmaamay “dilka ceebta ah ee ka dhacay Tehraan”, iyadoo bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay “in dilka looga gol leeyahay in lagu faafiyo dagaalka Qasa laguna gaarsiiyo heer gobol”.

Dilka Haniyah oo sii hurin kara xiisadda gobolka

Dilka hoggaamiyihii ugu muhiimsanaa Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa gobolka qarka u saaraya dagaal loo dhan yahay si ka duwan sidii hore, sida uu BBC-da u sheegay Nader Hashemi oo ah barafasoor daraasaadka bariga dhexe ka dhiga jaamacada Georgetown.

“Tani waa arrin weyn,” ayuu yiri. “Waxaan u maleynayaa inay sidoo kale saameynayso xiisadda Lubnaan sababtoo ah dhowr saacadood ka hor Israa’iil waxay isku dayday inay disho hoggaamiye sare oo ka tirsan Xisbullaah oo ku sugan Koonfurta Beyruut, .

Wuxuu sheegay in markii hore malo-awaalku ahaa ahaa in Iran iyo Xisbullah aysan daneyneynin xiisadda sii sii kordhaysa.”Laakiin dilka Haniyah ayaa kor u qaaday xisaabaadkaas”, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Iran ayaa hadda u muuqata in ay haysto tallaabo kasta oo ay sare ugu qaadi karto khilaafka gobolka.

Madaxweynaha Falastiin oo ka hadlay geerida Haniyah

Madaxweynaha Falastiin

Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ku tilmaamay dilka Ismaaciil Haniyah fal “fuleynimo ah oo halis ah”.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Falastiiniyiinta “inay midoobaan, oo ay is dejiyaan una adkeystaan ​​wejiyada gumeysiga Israa’iil” sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaalada wararka ee Wafa.

Maamulka Falastiiniyiinta ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cabbaas ayaa maamula Daanta Galbeed oo ah aag kooban, halka inta badan ay Israa’iil gacanta ku hayso.

Ismaaciil Haniyah ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay goob fagaare ah oo uu ka dhacayay caleema saarka Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkian Talaadadii shalay. Waxa uu la kulmay madaxweynaha cusub iyo sidoo kale hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.

Wararka ayaa sheegaya in intii uu kulanku socday uu madaxweynahu u sheegay hoggaamiyaha Xamaas in Iran ay garab istaagi doonto shacabka Falastiin, iyadoo Haniyah uu uga mahadceliyay Iran mowqifkeeda.

Booqashadii Iran ee caleema saarka ayaa ahaa muuqaalkii ugu dambeeyay ee Ismaaciil Haniyah.

Wasiir ka tirsan xukuumadda Israa’iil oo ka falceliyay geerida Haniyah

Israa’iil ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin geerida Ismaaciil Haniyeh balse waxaa jira falcelin ka soo baxaysa qaar ka mid ah siyaasiyiinta sida wasiirka Hiddaha oo lagu magacaabo Amichay Eliyahu oo xubin ka ah garabka midig ee Israa’iil.

Wuxuu ku qoray bartiisa X, in dhimashada Haniyeh “adduunka ka dhigayso meel wanaagsan”.

Eliyahu wuxuu ku bilaabay qoraalkiisa X, isagoo yiri : “Tani waa dariiqa saxda ah ee adduunka looga nadiifin karo wasakhda,”.

Waxa kale oo uu yiri wasiirkaan ka tirsan xukuumadda Israa’iil “gacanta birta ah ee ku dhufan doonta” waxay “xoojin doontaa awooddayada inaan nabad kula noolaano kuwa nabadda jecel”.

Milatariga Israa’iil: “kama hadleyno dhimashada Ismaaciil Haniyah”

Ismaaciil Haniyah hoogaamiyihii kooxda Xamaas oo Iran lagu dilay

Xigashada Sawirka,Reuters

Qoraalka sawirka,Ismaaciil Haniyah hoogaamiyihii kooxda Xamaas oo Iran lagu dilay

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa u sheegay dhowr warbaahin, oo ay ku jiraan CNN iyo wakaaladda wararka ee AFP, in aysan ka jawaabi doonin wararka warbaahinta shisheeye ee ku saabsan dhimashada hoggaamiyihii Xamaar Ismcaaiil Haniyaha oo lagu dilay magaalada Tehran ee dalka Iran

Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in hoggaamiyahoodii Ismaaciil Haniyeh lagu dilay caasimadda Iran ee Tehran. War kasoo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in Haniyaha lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday hoyga uu ka degganaa magaalada Tehran.

Sida laga soo xigtay kooxda, Haniyeh ayaa dhintay ka dib markii uu ka qayb galay xafladii caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran Mascuud Pezeshkian oo la dhaariyay Talaadadii shalay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews