Kulankii Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Salaadiinta Beesha Gobolka Saaxil oo Lagu Go.aamiyay In Qiimaha Laydhka Berbera Hoos Loo Dhigo.
August 12, 2024 - Written by admin
Kulankii caawa Madaxtooyada Berbera ku Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Salaadiinta Beelaha Ciise Muuse ayaa wararka naga soo gaadhayaa sheegayaan in lagu go.aamayay in qiimaha laydka Berbera laga dhigo 0.39 $ halkii Unit halka uu hore u ahaa 0.49 $.
Go.aankan qiimaha korontada hoos loogu Dhigayo ayaa wax warka aanu helay Sheegayaa inay siweyn uga soo shaqeeyeen Maamulka Degmada Berbera Waxaana madasha Salaadinta iyo Madaxweynuhu fadhiyay Kaga dhawaaqay Mayer Cabdishakuur Cidin Isagoona sheegay in qiimo dhimistani ka Bilaami doonta bishan Augost aynu kujiro.
Cabashada laydha Berbera ayaa ku badatay Madaxweyne Muuse Biixi mudadii 7 sanadood aheyd uu xilka hayay waana Markii uhoreysay ee Xukumadiisu ka hawl gasho hoos udhiga qiimaha lagu iibiyo Korontada Berbera iyadoo mudo Xileedkii Madaxweyne Muuse Biixi iyo uga hadhay wax kayar 90 habeen ama 3 Bilood.
Warshada kaliya ee korontada siisa Shacabka Berbera iyo Dab dhaliyihii Imaaraatku Berbera ku caawiyay waxa ka Macaasha shirkado faa.iido doona oo gaar loo leeyahay kuwaas oo midaysan Magaca BEC waa kooto iyaga oo kaliya uxidhan cid kaloo Berbera laydh ama Koronto keeni kartaa majirto.
Talaabadani hoos loogu dhigayo iibka Qiimaha korontada Berbera xumad jabin Ma unoqon kartaa tabashooyinkii faraha Badnaa ay beesha Gobolka Saaxil Ka Qabeen Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi