Dr Maxamed Cabdilahi Cumar oo Kamid Hogaanka Xisbiga Wadani oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Safiirka Sweden ee Somaliya
August 21, 2024 - Written by admin
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka mid ah xubnaha hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Nairobi Safiirka dawladda Sweden ee Somalia, Ambassador Joachim Waern.
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Safiirka Dawladda Sweden ee Somalia, ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyin soo dhaw ee Somaliland iyo hawlaha diyaargarowga ee socda maadaamaa Sweden ka mid tahay dalalka kaalinta wayn ka qaata taageerda doorashooyinka iyo dimuqraadiyaynta Somaliland.
Dr. Maxamed Cabdilaahi, ayaa u sharaxay Safiirka hindisayasha siyaasadeed ee xisbiga Wadani ee ku wajahan dhinacayada dhaqaalaha, nabadgalyada iyo xidhiidhka caalamka.