berberatoday.com
Ganacsadaha Carbeed ee Abu Yaasir,Dawlada Xamar Iyo Jabuuti oo Iskaashanaya oo Dib Ubilaabay Dagaalkii Dhoofka Xoolaha Somalida.
August 25, 2024 - Written by admin
Ganacsadaha Carbeed ee Abu Yaasir Iyo Dawlada Xamar oo Iskaashanaya oo Dib Ubilaabay Dagaalkii Dhoofka Xoolaha Somalida.
Sadexdii wiig ee udanbeeyay waxaa magaalooyinka Muqdisho iyo Jabuuti ka socday shirar loogu tashanayo dhoofka xoolaha soomalida kuwaas oo badankooda laga Raro dekadaha Berbera iyo Boosaaso,
Shirarkan ayaa waxaa isku xidhe ka ahaa ama xidhiidhiye Saadiq Joon oo ah wiil uu sodog uyahay Madaxwaynaha dalka Jabuuti kana soo jeeda soomaliya waxaase hawsha wata ganacsadaha Yemeniga ah haystana dhalashada sucuudiga ee Abu Yaasir kaas oo ah nin in badan waqtigiisa ku bixiya sidii uu mar uun koote ugu xidhan lahaa dhoofka xoolaha Somalida oo dhan,
Wasiirada kaluumaysiga ee Jabuuti iyo muqdisho iyo ganacsadaha Abu yaasir ayaa shirar kala duwan ku galay labada magaalo waxana laysku raacay in xoolaha Somalida oo dhan dhoofkooda loo xidho kaligii taas bedelkeedana uu maamulka Muqdisho siiyo lacag malaayiin doolr ah oo laysku baayacay,
Hadaba maanta aya magalada muqdisho Madaxwayne Xasan Sheekh MXamud wuxuu heshiis la galay lana saxeexday ganacsadaha Abu Yaasir waxaana mamulka Xasan Sheekh uqoreen in maxjaradiisa oo kaliya Xoolaha Looga Raro dalka sucuudiga oo ah suuqa ugu wayn ee loo iib geeyo Xoolaha Somalida,,
Abu Yaasir wuxuu duulaan kusoo qaaday Dekadaha Berbera iyo Bosaaso iyo dhamaan dadka Soomalida ah ee xoolaha ka ganacsada,
Dabcana wuxuu qayb wayn ka qaatay dagaalka qaawan ee maamulka muqdisho kusooo qaaday Saomaliland maadama uu lasoo saftay Madaxwaynaha Maamulka Muqdisho.
Hadaba sida anu illo xog ogaala ka helnay shirkii labaad ee ka dhacay Jabuuti wiigii aynu soo dhafnay waxaa fadhiyay labada ganacsade ee Caadil Xarbi iyo Cabdala Najab oo ah raga xoolaha ka dhoofsada Dekada Berbera 20 sano ee udanbaysay sidoo kalena waxay leyihiin Maraakiibta waawayn ee xoolaha ka qaada Berbera Caadil1, Caadil 2 iyo Abu Yaasir 2,iyadoo haben hore markabkii xoolaha ka qaaday dekada Berbera ahaa Caadil Maanta kawdiina uu Dekeda K baxay M/v Caadil 1.
Wararka kale ee laga helayo ilo xog ogaala ayaa sheegaya shirkaa ka dhacay Jabuuti ee loogu tashaday dhoofka xoolaha Somalida waxaa fadhiyay rag ka mida ganacsatada xoolaha ee mid kamida maxjarada Berbra ka shaqeeya ee Xoolaha Laga dhoofiyo.
Hadaba waxaa xusid mudan in ganacsatada Carbeed ee xoolaha ka dira dekada Berbera qaarkoodna ku leeyihiin maxjaro ay ka qaybgaleen Afganbiga dagaalku weheliyo ee lagusoo qaday Somaliland iyo Putlan-ba,
wararkan ayaanu intooda badan xogtooda ka helnay ganacsade xiligan ku sugan Muqdisho magaciisuna yahay Maxamed Cabdilaahi Ciise, iyo ganacsade reer berbera ah oo kamida raga xoolaha ka dhoofsada dekada Berbera Cabdi Cumar Cisman(Cabdi Quulle)
Hadaba waxaa layableh in ganacsade Abu Yaasir uu yahay ganacsadha kaliya ee maxjarada kawada furtay Berbera, Jabuuti iyo Boosaso dhanka kalena sadex jeer oo hore ayuu usabab ahaa xayiraado Sucuudigu kusoo rogay dhoofka xoolaha Somalida ee laga Raro dekadaha Berbera ,Bosaaso iyo dekadaha kale ee Somalidu leedahay,
dhawan ayay ahayd markii Berbera laga siiyay dhul baladhan oo uu maxjar labaad ka samaysto laakiin wuxuu udhurtay in cadaawad xun uu umuujiyo Somaliland isagoo xaalada taagan lasoo saftay maamulka Xasan Sheekh.
Hadaynu usoo noqono lacagta uu ugu balan qaaday in uu siinayo Maamulka Xamar cala neef wa sidan hoos ku xusan
Adhiga cala neef $4.5 ayuu usaaraya khidmada dhoofka xoolaha
2 Geela cala neef $ 28 ayuu usaaraya khidmada dhoofka xoolaha
3 Lo,da cala neef $ 20 ayuu usaaraya khidmada dhoofka,
Sida xogaha aanu helnay muujinayan wuxuu sii bixiyay ganacsade Abu Yaasir ama qadimay lacag Dhan $3000,000 oo Doolar,
Ugu danbayntii waxa is waydiin leh sida ay uga falcelin doonto Xukuumada Somaliland iyo shacabka Somalida ah ee ka shaqaysta dhoofinta xoolaha Nool arinkan oo ah dagaal qaawan oo ganacsade Abu Yaasir kusoo qaaday xoolaha Somalida oo dhan sidii kaligii kooto loogu xidhi lahaa,
Xogtan ayaanu dabo soconay sadexdii jeer ee laga shirayba ka kowad ka dhacay Xamar, ka labaadna jabuuti halka ka sadexaadna aha kii maanta heshiiska loogu saxeexay Muqdisho.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews