Wararkii Udambeeyay Dagaalka Labada Beelood Udhexeeya ee Gobolka Sanaag
August 28, 2024 - Written by admin
Dhimashada ayaa Gobolka Sanaag Maraysa 11 nin Beesha Dhulbahante ayaa Shalay dilay 5 nin oo besha Muuse Ismaaciil Gadhwayn ah Halka Shalay Beesha Gadhwayn Dishay 3 ay Saakana 3 kale ku dishay magaalada Ceerigaabo.
Dhulbahante waxa ka dhintay 6
Halka Muuse ismacil ay ka dhinteen Shan nin oo Xoolo la joogay oo shalay Malayshiyaadka Dhulbahante ku dileen duleedka Tuulada Goof
Geesta kale Beesha Muuse Ismaaciil ayaa 2 Gaadhi Oo Waaraado ah oo hub fududi saaranyahay qabsaday goordhaweyd
Waxa Kaloo wararku sheegayaan in goordhawayd dagaal fool ka fool ahi ka bilaamay inta dhaxaysa Tuulooyinka Goof iyo Fiqifuliye oo labada beeloo kala dagaan ahna halkii shalay dadka xoolo dhaqatada ah ee kasoo jeeda beelaha Muuse Ismaaciil lagu laayay.
Berberatoday.com